Bosaaso Oo Ay Is Rasaaseyn Ku Dhexmartay Booliiska IYo Kooxo Burcad AH

jiinka February 9, 2013 Comments Off
Bosaaso Oo Ay Is Rasaaseyn Ku Dhexmartay Booliiska IYo Kooxo Burcad AH

Rasaas xoogleh oo socotay muddo ayaa xalay magaalada Bosaaso ku dhexmaray kooxo hubeysan oo burcad ah iyo Ciidamada Booliiska.

 

Kooxda Burcada ah ayaa isla xalay magaalada gudaheeda ku dhacay gaari uu leeyahay nin rayid ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi, kuwaasi oo jirdil u geystay xiligii ay gaariga ka dhacayeen muwaadinkaasi.

 

Kooxdan gaariga dhacay ayaa qadar yar kadib waxay isku dhaceen ciidamo Booliis ah oo baaritaan ka waday wadada laamiga ah ee nawaaxiga shirkada Isgaarsiinta ee Golis, halkaasi oo ay Booliiska ku baaraan gaadiidka.

 

Rasaasta halkaas isku weydaarsadeen kooxda burcada ah iyo Booliiska ayaa muddo socotay, waxaana la xaqiijiyey in ay kooxda Burcada ah ay adeegsadeen hubka Baasuukaha oo ay ku tuureen goobihii ay ciidamada joogeen, qaraxyadaasi oo laga maqlay magaalada.

 

Kooxdan ayaa goobta isaga baxay iyadoo la sheegay in aan lasoo qaban, kadib markii ay xoog ku jiireen bartii ay ciidamada Booliiska joogeen.

 

Macada kooxdan halka ay kusii jeedeen, walow ay jiraan warar sheegaya in kooxdan ay qeyb ka ahayd kooxo burcad badeed ah oo magaalada horey ugu sugnaa, sida ay Horseed Media u sheegeen qaar kamid ah saraakiisha ciidamada amniga.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.