Tartanka Dagmooyinka Kaalimaha Hore Ee Nadaafadda Ay Uga Jiraan Waaberi & Deyniile

jiinka February 8, 2013 Comments Off
Tartanka Dagmooyinka Kaalimaha Hore Ee Nadaafadda Ay Uga Jiraan Waaberi & Deyniile

Maamullada degmooyinka Waaberi iyo Deyniile oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa sheegay iney degmooyinkooda ugu horeeyaan tartanka dhanka nadaafadda ah ee ay ka soconaya gobolka.

 

Gudoomiyaha maamulka degmada Waaberi Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in degmada Waaberi maamulkeeda iyo shacabka ku dhaqan ay si aad u muujiyeen isbedel dhanka nadaafadda ah, isbedelkaasina hada laga dareemayo bilicda degmada iyo sida ay wax iskaga bedeleen.

 

Dhinaca kale Gudoomiyaha maamulka degmada Dayniile Mudane Daahir Tabliiq oo degmadiisa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu dambeeyey markii uu Ra’isulwasaaruhu ku dhawaaqay tartanka dhanka nadaafadda ah ay degmada dadweynaha ku dhaqan ay muujiyaan dadaal dhanka nadaafadda ah islamarkaasina ay maanta aaminsanyihiin iney tartankaasi safka hore uga jiraan.

 

Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soconaya tartan xoogleh oo dhanka nadaafadda ah ayadoo tartaankaasina uu yimid kadib markii uu dhowaan Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ku dhawaaqay dhowaan in degmadii ku hormarta dhanka nadaafadda iyo bilicda ay Xukuumaddu abaalmarin doonto.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.