Labo qof ayaa ku dhimatay qarax maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in gaari ay saarnaayeen ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee Kismaayo ku sugan lagu weeraray bambaanooyinka gacanta xilli uu marayay halka loo yaqaano Derisyoonka Leegada oo ka tirsan xaafadda Calanley.
Mid ka mid ah dadka dhintay wuxuu ahaa askari ka tirsanaa ciidamada gaariga la socday,
Halka qofka kalena uu ahaa shacab ka ag-dhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.
Tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray Kismaayo dabayaaqadii sanadkii hore qaraxyo badan ayaa magaalada ka dhacay, dad u badnaa rayidna waa lagu dilay.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.