Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa Masjid lagu weeraray magaalada B/weyne

xeydar August 25, 2012 Comments Off
Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa Masjid lagu weeraray magaalada B/weyne

 

Masjid ku yaala magaalada B/weyne Gobolka Hiiraan oo ay muxaadaro ka bixinayeen Culimo ka tirsan kuwa Tabliiqa ayaa lagu qaaday weerar, kaas oo aan la ogeyn sababta loo weeraray.

Sida warku sheegayo kooxo aan la aqoon heybtooda ayaa habeen hore weerar bambaanooyin iyo rasaas noolnool ku qaaday Masaajid ku yaala bartamaha magaalada B/weyne oo ay ka socotay muxaadaro ay jeedinayeen Culimada Tabliiqa, waxaana la sheegay in kooxihii weerarka geystay ay ka baxsadeen goobta, lamana sheegin cid wax ku noqotay weerarkaasi, iyadoo daqiiqado ka dibna ay masjidka gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ee maamulka gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidamada booliska magaalada B/weyne Cali Dhiif oo warbaahinta uga warbixiyey weerarka ayaa sheegay in la aqoonsaday dadkii weerarka geystay, mana uusan sheegin kuwa ay yihiin, balse waxa uu xusay oo keliya inay ku raad-joogaan dadkaasi oo uu sheegay inay soo qaban doonaan marka ay soo qabtaan ay horgeyn doonaan sharciga sida uu yiri.

“Nasiib wanaag cidna waxba kuma noqon weerarka lagu qaaday Masaajidka, kooxihii weerarka qaadayna waa ka aqoonsaday, dhawaan ayaana Maxkamad la soo taagi doonaa, haddana rag soo qabta oo garanaya ayaan u dirnay, baaritaano kala duwanna way socdaan, wixii ka soo baxana saxaafadda dib ayaan uga soo sheegio doonaa” ayuu yiri taliyaha ciidanka booliska magaalada B/weyne Cali Dhiif.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhamaadkii todibaadkii hore sidan oo kale Masjid ku yaala degmada Mandheera lagu qaaday weerar, halkaas oo lagu dilay Imaamkii Masjidka iyo dadka ayaa waxa uu noqonayaa dhacdo ku cusub Soomaaliya oo soo bilowday labadii sano ee ugu dambeysay, waxayna falalkan guraxan uu welwel iyo naxdin ku reebay dadka Musliinta ah ee ku cibaadeysta Masaajidyada iyo kuwa kale ee Soomaaliyeed, waana arrin aan Soomaaliya horay looga aqooni jirin oo aan la ogeyn halka laga soo minguuriyey.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.