Xaflad balaaran oo lagu caleemo saarayay Gudoon cusub oo uu yeesho Golaha Salaadiinta, dib u Heshiisiinta iyo Wacyigelinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin odayaasha dhaqanka Soomaliya ayaa maanta looga dhawaaqay Hotel City Palace ee magaaladda Muqdisho.
Xafladan lagu soo bandhigayey Golaha Salaadiinta ee ( Somalia Assembele Sultans Reconciliation & Awerning) (SASRA) ayaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin aad u tirabadan oo isugu jira Boqoro, Salaadiin, Nabadoono, Xildhibaano iyo Diplimaasiyiin Caalami ah sida Dawlada Iran iyo IGAD si ay goob joog ugu ahaadaan Caleema Saarka Mas’uuliyiinta Golaha Salaadiinta iyo Dib u heshiisiinta iyo wacyigilinta Soomaaliyeed.
Gudiga qaban qaabada oo in badan ku howlnaa Dhismaha Golaha iyo isku keenista Salaadiinta Soomaaliyeed ayaa Madasha ku soo dhaweeyey shacabkii lagu casuumay, Kamaal Salaad Xasan Gudoomiyaha Gudiga Qaban qaabada ayaa yiri “Waxaan idinka mahad celineynaa aqbilaadiina oo aad soo xaadirteen Xafladan Caleema saarka Gudoomiyaha Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed ee loo doortay Boqor Eng. Faarax Cabdi Guure in uu hogaamiyo Golahan”.
Waxaa ka hadlay in ay ayidaan Xilka loo magacaabay Boqor Faarax Cabdi Guure Salaadiin laga soo Xulay Shanta Beelood oo ay Soomaalidu wax ku qeyb sato, Suldaan Cali Suldaan Axmed Nuur ayaa yiri “Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed maaha mid shaqsiyad ku saleesan iyo qabiil gaar ah waxaana Gudoomiye u dooranay Boqorkan Aqoonyahanka iyo Deeqsiga ah in uu nahogaamiyo”.
Xafladan oo aan loo kala harin dhanka oday dhaqmeedyada Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen kuwii soo dhisay baarlamanka Soomaaliyeed ee soo xulay Xildhibaanada, Suldaan Ekow ayaa yiri “Waxaan helnay madax banaani markii aan soo dhisnay Dowladaan rasmiga ah, Taageerada Obama iyo tan Caalamka waxaan ku helnay markii Xukuumadan iska tuurtay Awood qeyb sigii baadilka ahaa 4.5 halka ay Haweenka Soomaaliyeed maanta ay yihiin Ra’isul wareere ku xigeen, Golahanna waxan Gudoomiye ka ah Boqor Eng. Faarax”.
Ugaas Xuseen Jilicow Dhagacadde oo ka hadlay Garab Istaaga Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed ayaa yiri “Inta Soomaaliyeed ee la dar daray Haku dageen, Inta wax dar dartayna Haku Deen baxdo! ee Boqor Faarax ku daawow Xilka la guu dhiibay Gafkii dhacayna Gadaal ha u fiirinin waan ku Garabtaagan nahay”.
Siyaasiyiin iyo Diplomaasiyiin ayaa ka soo qeyb gashay Caleema Saarka Golaha ayaga oo ka hadlay, Wakiilka Somaliya urur goboleedka IGAD Mudane Jamaal Xaaji Axmed Ibraahiim oo ka soo jeediyey Qodbad meelo badan taabaneysay sida dib u heshiisiinta, Nabadeenta iyo Taageeridda Geedi u socodka Nabada, dib u heshiisiinta iyo Nabad ku soo dabaalida Soomaaliya wuxuu yiri “IGED Taageerada ay Soomaaliya u heyso waxay noqotay in ay u daadiso dhiigeeda xasilinta Dalka Soomaaliya, sidad ogtihiin dalka waxaa ku sugan Ciidamo Dowladaha IGED ah mar walibana waxay doonayaan in ay Soomaaliya ku soo laabato xasilooni iyo kala dambeen Xafiiska IGED wuxuu taageerayaa inta ku howlan sidan oo kale ee Golaha Salaadiinta Dib u heshiisiinta iyo Wacyigilinta Soomaaliya oo aan beel gaar ah ku saleysneen”.
Ugu dambeentii waxaa ka hadlay Boqorka loo caleema saaray hogaanka Golaha Salaadiinta, dib u Heshiisiinta iyo Wacyigelinta Soomaaliyeed wuxuuna ka codsaday masuuliyiinta iyo salaadiinta in aysan u kala harin kuna hagran hoosha baaxad weyn ee loo ikmaday in uu hogaamiyo, Boqorka ayaa u duceeyay shacabka Soomaaliyeed .
Waa markii ugu horeysay oo ay ku midoobeen Salaadiinta Soomaaliyeed meelna isugu yimaadaan ayaga oo dooranaya hogaan ay raali isaga yihiin.
Xeritaanka Xaflada waxaa Aayado Qur’aan kariim ka aqriyay Sheekh ka socday Dalka Iran oo goobjoog ka ahaa madasha caleema saarak Boqor Ing Faarax Cabdi Guure.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.