Xubnaha Baarlamaanka cusub oo baaritaan lagu sameynayo

xeydar August 25, 2012 Comments Off
Xubnaha Baarlamaanka cusub oo baaritaan lagu sameynayo

Xubnaha Baarlamaanka ee cusub ayaa dib loogu noqonayaa oo baaritaano kale lagu sameynayaa qaabka ay ku yimaadeen, iyadoo sidoo kale la baarayo saameyntii ay ku yeesheen saxiixayaasha Road Map-ka soo xulista Xildhibaanada cusub, sidoo kalena baaritaan lagu sameynayo qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo qaabkii ay ku yimaadeen oo la sheegay inay saameyn ku lahaayeen Golaha wasiirada iyo Madaxda sare ee dowladdii KMG aheyd.
Warar lagu kalsoonaan karo oo aynu ka helnay hay’adaha qaabilsan ka hortagga musuqmaasuqa iyo wax isdaba-marinta ayaa sheegaya in marka la dhameeyo Baarlamaanka cusub, lana doorto Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen iyo doorashada Madaxweynaha baaritaano xoogan lagu sameyn doono qaabkii loo maamulay xulitaankii Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya gaar ahaan saameyntii ay ku lahaayeen saxiixayaasha Road Map-ka, Guddiga farsamada ee soo xulista Xildhibaanada iyo Baarlamaanka cusub iyo sidoo kale Golaha wasiirada.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa inay dhici karto in xubno ka tirsan Baarlamaanka cusub howsha laga joojiyo haddii la ogaado inay baarlamaanka ku soo galeen hab-qaldan amaba ay gacan-qabad ka heleen xubnihii awoodda sare lahaa ee dowladda hogaanka u hayey, gaar ahaan kuwa la sheego inay ku soo galeen ogolaansho ay ka heleen Madaxda sarsare ee dowladda KMG amaba ay bixiyeen lacago ay u adeegsadeen inay xubin Baarlamaan noqdaan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono xildhibaano badan oo magacoodii saxda ahaa bedeshay, lana mabaxay magacyo aan aheyn kuwii lagu yaqiinay, sidoo kalena waxaa la sheegay in iyana ay ciqaab la kulmu doonaa kuwa Baarlamaanka cusub ku galay magacyo ay dad kale iska leeyihiin oo iyaga oo aan la yeerin dhexda ka galay liiska xildhibaanada cusub, sidoo kalena waxaa la sheegay in Guddiga Farsamada isna laftiisa su’aalo la weydiin doono marka loo baahdo amaba baaritaan lagu sameyn doono, iyadoo sidoo kale la baari-doona dadka lacagaha ku bixinaya doorashooyinka si ay codad dheeraad ah u helaan.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.