Madaxweynaha iyo Wafdi uu Hogaaminayo Oo Ka Qeyb Galay Shirkii Qaahira

jiinka February 6, 2013 Comments Off
Madaxweynaha iyo Wafdi uu Hogaaminayo Oo Ka Qeyb Galay Shirkii Qaahira

Magaalada Qaahira ee dalka Masar Ururka dalalka islaamka ee OIC, shirkan waxaa ka soo qaybgalay 57 dal, waxaana ka soo qaybgalay 26 Madaxweyne oo ay ku jiraan Turkiga iyo Iran.

 

Madaxda ka qaybgalaysa shirkan waxaa ka mid ah Madaxweynaha dalka Iran oo markii ugu horeysey booqdey dalka Masar kadib markii cilaaqaadka ay kala goosteen Masar iyo Iraan kacdoonkaa lag ridey Boqorkii Shaah ee IRAN, muddo 30 sano ah ka hor.

 

Qodobada ugu muhimsan ee shirkan looga hadli doono waxaa ka mid ah xaaladda dalka Siiriya, dalka Mali oo dagaalo ka bilowdeen, Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohingya iyo dalka Falastiin.

 

Madaxwenaha dalka Masar ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyey shirkaas sheegeyin ay lama huraan tahay in la taageero qaranimada dalka Mali ee Argagixisadu khatarta gelisey isla markaana kadigey farogelinta shisheeye ee dalkaas lagu sameeyey,

 

Mursi ayaa sheegay in 21 dal ee dunida ugu fakhrisan in ay yhiin Muslimiin loona baahan yahay in dalalka Islaamka ay ballaariyaan kheyraadkooda, Mursi ayaa ka hadley dadka Muslimiinta ah ee Rohingya kuwaas oo ku nool dalka Burma isla markaana Budhiistaha dhibaato badan ay ku hayaan

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka qeyb galay shirka Ururka Islaamka (OIC) oo ka furmay caasimadda Qaahira.

 

Madaxweynaha ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa madaxda dalalka Islaamka ee kasoo qeyb-galay shirka.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah aragtidda Madaxeynaha ee ku aadan xoojinta ay dowladda Soomaaliya la leedahay dalalka beesha caalamka.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa xooga saraysa in ay xiriir wanaagsan la yeealto dalal fara-badan .

 

Waxaa kulankaan ku wehliyo Madaxweynaha R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziyo Yusuf Aadan,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, iyo Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Mudane Dr.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.