Jubbooyinka Dalka Oo Amisom U Dalbatay Ciidamo Dheeraad Ah

jiinka February 5, 2013 Comments Off
Jubbooyinka Dalka Oo Amisom U Dalbatay Ciidamo Dheeraad Ah

Taliska ciidanka AMISOM ee ka howlgalaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa codsaday ciidamo dheeraad oo suga amniga deegaannada laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya.

 

Taliyaha ciidamadda AMISOM ee ka howlgalaya Jubbooyinka Jeneraal Antony Ngere oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jiraan soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

 

Antony Ngere ayaa tilmaamay in ay wada shaqeyn ka dhaxeyso ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM inkastoo uu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay u baahan yihiin tababarro iyo qalab ay ku howlgalaan.

 

Taliyaha oo ka hadlayay xaaladda amni ee Kismaayo ayaa sheegay in ay mararka qaar weerarro dhuumaaleysi ah ku soo qaaddo Al-Shabaab.
Wuxuu kula taliyay maleeshiyaadka ku sugan koonfurta Soomaaliya inay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda iyo AMISOM, isagoo ballan-qaaday in amnigooda la damaanad-qaadi doono.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.