Dhaqaalaha oo guud ahaan gaaraya 3 Milyan oo Pound ayaa waxaa 1.47 Milyan oo Yuuro la sheegay in lagu taageerayo dowlada cusub ee Soomaaliya iyo Baarlamaanka federaalka.
Sidoo kale 1.5 Milyan oo Pound ayaa la sheegay in lagu caawin doono caruur gaarayso 60,000 iyo hooyooyinkooda iyadoo loogu iibin doono raashin iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin.
Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay in dalka Soomaaliya uu u baahan caawinaad kala duwan,maadaama muddo ka badan 20 sano ay ka socdeen dagaalo sokeeye.
Dowlada ingiriiska ayaa balanqaaday in 63 Milyan oo Puond ay ugu yaboohi doonto sanadkasta Soomaaliya si wax loogu qabto arimaha gargaarka iyo mashaariic kala oo ku baxaya dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Ingiriiska ayaa sheegtay in dhaqaalahaasi shaqo abuuris lagu sameyn doono,waxna looga qaban doono caafimaadka iyo goobaha waxbarashada.
Baarlamaanka Soomaaliya xubno ka mid ah ayaa la sheegay inay booqan doonaan magaalada London bilaha soo socda si halkaasi ay ugu soo qaataan tababaro kala duwan.
Tababarkaasi ayaa sidoo kale ujeedadiisa waxay tahay in la caawiyo dhalinyarada yaryar ee qalinjibisa si ay kaga qeyb qaataan badbadinta iyo caawinta nabbada iyo dimuqraadiyada Soomaaliya.
Xoghayaha horumarka caalamiga ee dalka Ingiriiska Justine Greening ayaa ku dhawaaqday taageerada dheeraadka ee dowlada Ingiriiska ay siisay dowlada Soomaaliya.
Waxayna sheegtay inay doonayaan inay kaga qeyb qaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo wanaajinta xiriirka labadal u dhaxeeya.
“Kadib doorashadii bishii lasoo dhaafay ee September ,Soomaaliya hadda waxay leedahay fursad caalami ah oo loogu sameyn kari deganaan iyo nabad galyo dhalata kadib 21 sano oo qilaaf lagu jiray”ayay tiri Justine Greening
“Dowlada Ingiriiska waxay sidoo kale taageeri doontaa tobonaanka kun ee dadka Soomaaliyeed,
kuwaasi oo ka barakacay Soomaaliya kadib markii abaaro ay ku dhufatay iyo daganaansho la’aan ka jirta dalkaasi”ayay kusii Justine Greening.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.