Fariin qoraal ah oo ka soo baxdey safaaradda Maraykanku ku leeyahay dalka Kenya ayaa sheegaysa in ay heleen warar ay ku kalsoon yihiin oo ah khatar aad ugu dhaw dadka reer galbeedka ah ee ku sugan Soomaaliya oo ay ku jiraan dadka Maraykanka u dhashey ee shaqada u taga Somaliland ama boqanaya.
Fariinta ayaa lagu sheegay dhamaan dadka Maraykanka u dhashey ee qorsheynaya in ay u safraan Soomaaliya in ay la xiriiraan meelaha ugu dhaw ee arrimaha dibadda, waxaana lagula talin in ay ka joogsadaan safaradaas.
Fariinta ayaa ugu baaqdey dadka ku sugan Soomaaliya in ay ilaaliyaan amnigooda shakhsi ahaaneed,
La socdaan waxyaabaha ka dhacaya hareerahooda isla markaana la socdaan si joogto ah wararka gudaha ee Soomaaliya.
Fariintana ayaa imaanaysa iyada oo dhawaan Ingriisku uga digey dadka u dhashey dalkooda in ay u safraan Somaliland.
Arrintan waxay culeys ku soo kordhineysaa Dowladda Somaliland oo iyadu amni ahaan dhaantey Soomaaliya inteeda kale, waxaa Somaliland isaga baxay dhamaan shaqaalaha gargaarka ee reer galbeedka ahaa, xitaa waxaa ka baxay shaqaale u dhashey dalalka Afrika.
Somaliland waxaa ka dhacay Mudaaharaadyo looga ashtakoonayo heerka amnigooda la gaarsiiyey, xukuumaddu waxay sheegaysaa in amnigu sugan yahay iyada oo aan baaritaan ku samayn waxa laga soo sheegayo, halka Mid kamid ah Mucaaradka Somaliland uu ku dooday in Somaliland ay joogaan xarakada al_Shabaab isla amrkaana ka shaqeeyaan.
Hoggaamiyaha guud ee Xarakada al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya waa nin dhalinyaro ah oo ka soo jeeda deeganada Somaliland.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.