Dadka ku dhawan magaalada muqdisho oo ay shabakada jiinwabi.net la dhexmartay makaroofanka ayaa waxaa ay walaac weyn ka muujiyeen doorashadii gudoomiyaha baarlamaanka oo dib u dhac ku yimid.
Cali Xasan Cumar oo ay Jiinwabi.net wax ka weydiisay sida uu u arko dibdhaca ku yimid doorashadu ayaa sheegay in uu dareemayo in ay xaalada soomaaliya sii adkaaneyso, isagoo tilmaamay in ay doorashadaan gudoonka baarlamaanka ee dib udhaca ku yimid ay marlabaad dib u dhac u keeni karto doorashada madaxweynaha mar labaad.
Dadka muqdisho ayaa badanaa waxaa ay sheegeen in ay doorashadaani dib u dhaca ku yimid ay muujineyso in ay adagtahay in soomaaliya ay hesho dowladd aan KMG aheyn, iyadoo dareenkooduna uu ahaa mid aan wanaagsaneyn.
Doorashadaani ayaa noqoneysa doorashadii labaad oo dib u dhac uu ku yimaado, iyadoo ay horaan u baaqatay doorashadii loogu tala galay in lagu doorto madaxweynaha soomaaliya, shacabkuna ay filayeen in dowladu ay naqoneyso mid ka baxda KMG.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.