Munazamat Al-Dawa oo Xarun Caafimaad ka furtay degmada shibis ee magaalada Muqdisho

xeydar February 4, 2013 Comments Off
Munazamat Al-Dawa oo Xarun Caafimaad ka furtay degmada shibis ee magaalada Muqdisho

Xaflad Balaaran oo lagu furayay xarunta Caafimaadka degmada shibis oo ay soo qaban qaabiyeen  Masuuliyiinta Al- Dawa ayna ka soo qeybgaleen gudoomiyaha G/Banaadir Maxamed Nuur Tarsan , Agaasimaha Al-dawa Sayid Cali Macalin Xuseen iyo hay’adaha ku shaqada leh Caafimaadka iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu qabtay xarunta cusub ee Caafimaadka degmada Shibis magaalada Muqdisho.

 
Gudoomiyaha Gobolka Banadir Mr. Tarsan ayaa xariga ka jaray xaruntan caafimaad ee cusub oo ay maal geliyeen Munazamat Al-Dawa Al-Islaami kuna deeqday shacabka ku dhaqan degmada Shibis iyo agagaaraheeda sidii loogu heli lahaa adeeg caafimaad.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.