Xayiraadda Hubka Soomaaliya Laga Qaado Oo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa Taageeray

jiinka February 4, 2013 Comments Off
Xayiraadda Hubka Soomaaliya Laga Qaado Oo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa Taageeray

Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa oo Ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay hadalkii ka soo yeeray Ban Ki Mon isagoona Carabka ku dhuftay in taasi dhiira Galin ay u tahay Soomaaliya ayna Cadeyn u tahay in Soomaaliya ay ka gudubtay Xilligii KMG ahaa loona Gudbay dowlad Federaal ah.

 

Xildhibaanno Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Lahadlay Saxaafada Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay hadalkii ka soo yeeray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Mon Kaasi oo ahaa in uu ka qayb qaadanayo sidii Cunaqabateynta Hubka Saaran Soomaaliya looga qaadi lahaa.

 

Waxaa Sidoo Kale Xildhibaan Tahliil Cabdi Max’ed ayaa wax Lagu farxo ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay isagoona Xusay in Soomaaliya xilli dheer ay saareed Cunaqabateyn dhinaca hubka ah loona baahanyahay in Xilligaan laga qaado.

 

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dib U eegis Ku sameynaya sidii Xayiraadda hubka ee Saaran Soomaaliya dib Looga qaadi Lahaa Kadib Codsiyo Ka yimid Midowga Afrika ee dowladda Soomaaliya.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gamail.com

Comments are closed.