Xarunta Gaadiidka Oo Booqday Wasiirka Warfaarinta & Ku Xigeenkiisa

jiinka February 4, 2013 Comments Off
Xarunta Gaadiidka Oo Booqday Wasiirka Warfaarinta & Ku Xigeenkiisa

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo gaadiidka Mudane C/llaahi Ciilmooge Xersi oo uu wehliyo wasiir kuxigeenka wasaaradda Mudane Ibraahim Isxaaq Yaroow iyo mas’uuliyiin kale oo wasaardda katirsan ayaa maanta kormeer kutagay xarunta wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka iyo xarunta Fisha bara ee bixinta taargooyinka ama sumadaha gaadiidka.

 

Wasiirka iyo kuxigeenkiisa ayaa markii ay kusoo waregeen xarunta wasaaradda gaadiidka waxa ay warbixino ka dhageysteen howlwadeenada wasaadaasi iyagoo kulan xog wareysi ah la qaatay shaqaalaha iyo maamulka xaruntaasi.

 

Wasiiradda oo intaa kadib soo kormeeray xarunta fisha bara ayaa sidoo kale kusoo wareegay qeybahaa ay ka kooban tahay iyagoo soo indha indheeyay waxyaabaha ay ubaahantahay xiligan in lagu soo kordhiyo

 

Wasiiradda ayaa waxaa kormeerkoodu uu ku qotomay sidii ay u ogaan lahaayeen waxayaabaha ay ubaahan yihiin xarumaha ay tageen iyo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa adeegyada weli maqan.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.