Faysal Cali Warabe oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID ayaa waxa uu ka hadlay war dhawaan ka soo yeeray hogaamiyaha maamulka Puntland oo ahaa inay jiraan wadahadal u dhaxeeya labada maamul, isla markaasna haddii ay go’aan sadaan ay isla go’ayaan haddii kalase ay Soomaaliya kuwada biirayaan.
Hogaamiyaha xisbiga Ucid ee maamulka Somaliland ayaa ugu horeyn sheegay C/raxmaan Faroole gobolada uu ka taliyo ay ka tirsanyihiin Soomaaliya isla markaasna aysan jirin wax uu xillaga ugula soo cararo dhinaca Somaliland sida uu yiri,
Wuxuuna tilmaanay Faysal Cali Waraabe in Faroole aanu meteli karin Somaliland haddii uu doonayo in Soomaaliya uu ka go’ana ay isaga u banaantahay balse uusan xilligan uusan la soo aadain Somaliland oo uu tilmaamay inay tahay wadan gaar u taagan waa sida aaminsanyahaye.
Mf. Waraabe waxaa kale oo uu sheegay in maamul goboleedyo ku dhisan qabiil uusan waxba soo kordhin doonin, waxana uu ku tilmaamay Puntland inay tahay maamul u dhisan qabiil gooni ah oo uusan ka talin gobolo kale oo qabiilkaasi ka baxsan,
Faysal Cali Waraabe ayaa carabka ku dhuftay in wada shaqeynta keliya ee ka dhaxeyn kartaa Somaliland iyo Puntland ay tahay arrimaha xuduudaha maadaama ay deris yihiin, waxana uu sheegay in xiriirkaasi xiriir la mid ah uu kala dhaxeeyo Kilinka Shanaad ee Itoobiya.
Ugu dambeyntii Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay inay waajibtahay in laga wada shaqeeyo la dagaalanka waxa uu ugu yeeray argagixisada oo uu xusay in walaalnimada iyo derisnimada ay keenayso taasina aysan aheyn in labada dhinac uu wax xiriir ah ka dhaxeeyo, isla markaasna ay isku biirayaan.
cumar c/rashiid
cumarrashi@gmail.com
Comments are closed.