MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SOOMAALIDA UK UGU BAAQAY INAY KA QEYB QAATAAN DIB UDHISKA DALKA

jiinka February 3, 2013 Comments Off
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SOOMAALIDA UK UGU BAAQAY INAY KA QEYB QAATAAN DIB UDHISKA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin Magaalada London ee Cariga Briten ayaa Munaasabad soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha iyo Wafdigiisa Loogu sameeyay Magaaladaasi London qudbad uu Ka jeediyay waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya Soomaalida qurbo Joogta ah Gaar ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Ingiriiska.

 

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddankaasi Ingiriiska in ay dhowraan qawaaniinta iyo Hab Maamulka dowladda ay Martida u yihiin ee Ingiriiska si iyaguna ay usiiyaan ixitiraam iyo Mudnaan.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud ayaa dhinaca Kale Tilmaamay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ingiriiska Shacabka Soomaaliyeed ay ka filyaan in ay ka soo baxan dowrkooda kaga aadan dib u dhiska dalka.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Madaxweynuhu Carabka ku dhuftay in Maanta dalku uu doonayo damiir dhaqaaqaya oo wadaninimo huwan ee ka samata Bixiya dhibaatada Mudada Fog Ragaadisay taas uu sheegay in ay ku imaaneyso wada Jirka Umadda Soomaaliyeed iyo in laga wada qayb qaato dib u hagaajinta dalka.

 

Sikastaba Munaasabadda oo ahayd mid si weyn La isugu duba riday ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugan, ciyaaro kala duwan ,Hadallo Soo dhaweyn iyo qiimeyn u badan iyadoo halkaasi ay iskula Jiibiyeen dhammaan ka soo qayb galayaasha Munaasabadda Astaanta Qaranka.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.