Maamulka Dagmada Hiliwaa Oo Lagu Wareejiyay Qalab Isboorti

jiinka February 3, 2013 Comments Off
Maamulka Dagmada Hiliwaa Oo Lagu Wareejiyay Qalab Isboorti

Maamulka Dagmada Heliwaa ee gobalka Banaadir ayaa maanta lagu wareejiyay Qalab Isboorti oo Dhalinyarada Dagmadaasi ay ugu diyaar garoobayaan ka qeyb galka Tartanka cayaaraha Dagmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Munaasabad qalab isboorti lagu guddoonsiinayay maamulka dagmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiinta dagmada, madax ka socotay hay’adda Ordo oo qalabka ugu deeqeysay dhalinyarada Isboortiga ee dagmadaasi, haween iyo shacab waxaana munaasabada ay ka dhacday dagmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho.

 
Guddoomiyaha dagmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir Cumar Cabdule Jacfaan oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa uga mahadceliyay hay’adda Ordo oo qalabka ugu deeqday isagoona intaasi ku daray in shacabka ku dhaqan dagmadaasi ay yihiin kuwo u heelan nabadda.

 

Sidoo kale Maxamed Muuse oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda ayaa tilmaamay in hay’adda ay dhinaco badan ka taageertay maamulka dagmada haatane ay diyaar u yihiin in ay sii xoojin doonaan.

 

Dagmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka socda u diyaar garoowga ciyaaraha dagmooyinka waxaana qalabkan maanta lagu wareejiyay maamulka dagmada Hiliwaa uu qeyb ka qadanayaa sidii ay ciyaartoyda dagmadaasi ay ugu diyaar garoobi lahaayeen ciyaaraha gobolka.

 

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.