Ugandha Oo Ugu Baaqday Wadamada Deeqda Bixiya In Lagu Taageero Dhaqaalaha Dhanka Soomaaliya

jiinka February 3, 2013 Comments Off
Ugandha Oo Ugu Baaqday Wadamada Deeqda Bixiya In Lagu Taageero Dhaqaalaha Dhanka Soomaaliya

Dowlada Uganda ayaa wadamada deeqda bixiya weydiisatay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska wadanka Soomaaliya islamarkaana ay kala shaqeeyaan Ugaanda sidii Soomaaliya u noqon lahayd dowlada rasmi ah oo cagaheeda ku istaagta.

 

Wasiirka difaaca dalka Ugandha Dr. Crispus Kiyonga oo ka hor hadlay ciidamo badan Soomaaliyeed oo tababar ugu socda dalka Uganda,

Ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in beesha caalamka iyo wadamada deeqda looga fadhiyo u istaagida taageero dhanka maaliyada ah oo loo helo Soomaaliya si ay u gaarto isku filnaasho dhan walbo ah,isagoona hoosta ka xariiqay in iminka Soomaaliya in laga taageero ay u baahan tahay xaqiijinta ammaanka dalka.

 

Wasiirka difaaca dalka Ugandha Crispus Kiyonga ayaa tilmaamay in Midowga Yurub uu xil weyn iska saaray tababarka loo fidiyo ciidamada Soomaaliya,waxuuna arintaasi ku tilmaamay arin wanaagsan oo loo baahan yahay in lagu deysado oo qeybaha kale ee daneynaya qaranimada Soomaaliyana ay qeybtooda ay qaataan.

 

Sidoo kale wasiirka difaaca Uganda ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya u baahan tahay in ciidamo tayo leh oo aad u qalabeysan si wadanka ay u difaacaan.

 

Dowlada Uganda ayaa Soomaaliya ka taageerta la dagaalanka Kooxaha dowlada Soomaaliya ka soo horjeeda,iyadoo iminkana jecel inay sii kordhiso,waxaana dhanka kale Uganda ay suurta galisay in howgalka Midowga Yurub uu tababarka uu ku siinayo ciidamada Soomaaliya lagu fuliyo dalkeeda.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.