Waaberi One oo zilzaal daran ku riday FC-Royal, iyo Iftiinka Gacameey oo 2 Gool ugu awood sheegatay barbaartii Benimaalik, Azuura oo Cashar kulul u dhigtay kooxda Midnimo.
Cayaaro aad iyo aad u xiiso badnaa ayaa maanta oo Jimce ah ka dhacay garoonka Sharafiyah ee maagaalada Jeddah, iyadoo ay iswada arkeen kooxaha FC-ROYAL VS. WAABERI ONE ,IF.GACAMEY VS. BENIMAALIK, iyo AZUURA VS. MIDNIMO BWD.
Cayaarahan ayaa ka tirsanaa tartankii lagu maamuusayey halyey SULEYMAAN COLAAD ROOBLE oo bilowgii sanadkan ka furmay magaalada Jeddah.
Cayaartii ugu horeysay ayaa waxay dhexmartay kooxaha FC-ROYAL iyo WAABERI ONE oo labaduba kamida kooxaha ka yimaada dhinaca Koonfureed ee magaalada Jeddah, gaar ahaan xaafada Suxeyfa iyo Maxruuqaadka, waxaana ka dhexeeya loolan gaara ah oo Jimca waliba ay ku cayaaraan garoomada Sharbatle iyo garoomada ku yaala Xaafada, cayaartanina waxay u suura gelisay inay isaga horyimaadaan tartan ahaan.
Labada kooxood ayaa u soo tabaabushaystay hanashada dhibcaha cayaarta, koox walbana waxay ku taminaysay inay ciyaaro iyo natiijo isku hesho.
Kooxda Fc-Royal ayaa dardar xoogan kusoo gashay cayaarta, waxayna la timid cayaar wanaagsan oo runtii soo jiidatay taageerayaasha labada dhinac, haseyeeshee waxaa ka maqnaa dhameystire wanaagsan oo weeraradooda u tarjuma gool ahaan.
Dhinaca kale kooxdii Waaberi ayaa waxay daqiiqadihii ugu horeeyay waxay soo taabatay laba jeer shabaqa goolhayaha kooxda Fc-Royal, iyadoo cayaarta ay gelinkeeda koowaad kusoo gabagabowday 2 – 0 oo ay ku hogaaminaysay kooxda Waaberi one.
Gelinkii dambe ee ciyaarta kolkii la isugu soo noqday ayay ciyaartu noqotay mid labada dhinacba ay weerarada xoojiyeen, waxay cayaartu socotaba waxay kooxda Waaberi One si darandoori ah u heshay shan gool oo ruxay kalsoonidii cayaartoyda Fc-Royal oo runtii haysatay dhexda ciyaarta laakiinse uu ka maqnaa gooldhaliye wanaagsan.
Daqiiqadii u dambeysay ee ciyaarta ayaa waxaa usuura gashay ciyaaryahanka sitay nambarka 18 aad ee kooxda Fc-Royal inuu gool caalami ah oo uu ka soo tuuray bartanka garoonka ka dhaliyo naadiga Waaberi one, ciyaartana waxay kusoo gabagabowday 7 – 1 oo ay guushu ku raacday naadiga Waaberi One.
Runtii waxaa xusid mudan cayaaryahnada FC_ROYAL oo si wanaagsan u ciyaaray ayna ahaayeen kuwo ciyaarta isla yaqaanay haseyeeshee aysan haysan gool dhaliye wanaagsan oo dhameystira weerarada ay soo dhisaan ciyaartoydooda.
Cayaartii labaad ee ka dhacda garoonka Sharafiyah ayaa dhexmartay IF.GACAMEY VS. BENIMAALIK, ciyaartaasi waxay ahayd ciyaar labada kooxood ay isu ahaayeen jin jin, iyadoo ay gelinkii hore ee ciyaarta kusoo dhamaatay Gool iyo Eber oo ay ciyaartoyda IFTIINKA ku hogaaminayeen.
Gelinkii dambe ee ciyaarta ayaan wax sidaa ah iska bedelin, waxayna labada kooxood ku socdeen naqshadii hore ee ay tababarayaashoodii usoo dhiseen, waxayna taasi u suuragelisay kooxda IFTIINKA inay gool labaad la helaan shabaqa BENIMAALIK, waxayna sidoo kale iska lumiyeen RIGOORE ama gool ku laad ay heleen daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta,
waxayna guushii cayaarta raacday kooxda IFTIINKA GACAMEEY oo laba gool iyo Eber kaga badisay kooxda BENIMAALIK oo iyana ahayd ciyaartoy wanaagsan oo halkaasi lasoo shirtagtay farsamo iyo xeelado isboorti.
Cayaartii saddexaad ee ka dhacda garoonka ayaa iyana dhexmartay kooxaha AZUURA VS. MIDNIMO BAWAADI iyadoo ay ciyaartu bilaabatay Salaada maqrib kadib, waxaa daqiiqadii koowaad ee ciyaarta gool ku hormaray kooxda Azuura oo indhaheeda hayeen natiijada ciyaarta inay la hoyato.
Todoba daqiiqo kadib kooxda MIDNIMO waxay heleen goolkii barbarada oo neefta kusoo celisay ciyaartoydooda, waxayna soo bandhigeen ciyaar xoog badan oo ay ka muuqatay farsamo iyo taktiko ku cusub garoomada Sharafiyah.
Gelinkii labaad ee ciyaarta ayay kooxda AZUURA xoojisay ciyaartoyda uga ciyaarta weerarka waxaana durbadiiba usuura gashay inay goolkii labaad ka dhaliyaan kooxda Midnimo oo goolkaa ka dib isweysay, waxayna ciyaarta kusoo gabagabowday 2 – 1 oo ay guushu ku raacday kooxda AZUURA.
Waxaa diyaaray:
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir “diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com
Comments are closed.