Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo khudbad dheer ka jeediyay shir u socda urur siyaasadeedka horseed ee uu isagu Guddoomiyaha ka yahay ayaa sheegay inay wadahadalo u socdaan Puntland iyo Somaliland, isagoo ugu baaqay maamulka Somaliland inay heshiiyaan.
Madaxweyne Faroole ayaa khudbaddiisa ku sheegay in arrimaha gooni isu taaga Somaaliland ay tahay mid mardambe laga hadli doono, balse marka hore ay la gudboontahay in Puntland iyo Somaliland dhexdooda wadahadalaan oo ay heshiiyaan, wuxuuna sheegay inay hadda ay u socdaan labada dhinac wadahadalo hoose.
“Qolooyinka la baxya Somaliland ee iyagu hadda tashaday oo gooni aaday sida ay sheegteen anagu malihin kaalaya khasab baanu idinku heysanaynaa, laakiin waxaa naga dhaxeeya ayaa ah aan ka heshiino bal waxa kale waa la isugu imaan doonaayee,
reer Xamarku waxay yiraahaan canjeero sida ay u kala koreyso baa loo kala qaadaa, Somaliland iyo Puntland horta khilaafkeena aan meel dhigno oo aan ka heshiino, marka hadalo way iska soc socdaan, bal aan meel wax isla dhigno, ama isla go’nay ama aan heshiino, ama Soomaali kuwada biirnay ama waa la wada kala tagay” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo sheegay in iyaga iyo Somaliland oo mid ah ay ka wada go’ayaan Soomaaliya inteeda kale.
\
Madaxweyne Faroole ayaa dhinaca kale digniin u diray dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in Xukuumaddiisa aysan iska eegan doonin iyadoo lagu tumanayo dastuurka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna yiri “Ma jireyso in lagu tunto dastuurka, annagana ka Puntland ahaan iska eeganmeyno in madaxda dowladda Soomaaliya ay ku tuntaan dastuurka, diyaar baan u nahay in dowladda Federaalka, inaan la shaqeyno, balse inay dowladda tiraaho inagaa waxwalba sameenayna laga yeeli maayo, annaga ka yeeli meyno, adduunka ka yeeli maayo, Soomaalina ka yeeli meyso”.
cumarrashid@gamil.com
Comments are closed.