SOOMAALIYA IYO SYRIA OO NOQDAY DALAL LAGU BEEGSADO SAXUFIYIINTA

xeydar February 1, 2013 Comments Off
SOOMAALIYA IYO SYRIA OO NOQDAY DALAL LAGU BEEGSADO SAXUFIYIINTA

Qilaafaadka iyo xiisadaha taagan,ayaa sababay in wadamada Soomaaliya iyo Siiriya ay noqdaan wadamada ugu Qatarta badan dilalka iyo hanjabaadaha loo geysto saxafiyiinta caalamka,marka loo eego warbixin ay soo saareen Urur saxafiyiinta caalamka ee World Association of Newspapers and News Publishers,(WAN-IFRA).

Warbixxinta ayaa sheegeysa in 68-saxafi iyo shaqaalo kale oo warbaahinta kale ka howlgalayay la dilay,iyagoo ku guda jiray gudashada howlahooda shaqo sanadkii tagay ee 2012.waxaana la sheegay in kala bar saxafiyiintaasi lagu dilay Wadamada Soomaaliya iyo Siiriya,sida ay sheegeen WAN-IFRA.

60-dan shaqaalo warbaahineed ayaa lagu dilay dalka Siiriya, iyadoo ay ugu wacan tahay dagaalada iyo rabshadaha ka taagan owgood halka in ka badan 14-wariye iyagana lagu dalka Soomaaliya oo intooda badan lagu qaarijiyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Kooxdan Ururka saxafiyiinta caalamka ka tirsan ayaa sidoo kale warbixintaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in sanadkii tagay uu ahaa sanad la tagay tiro saxafiyiin oo intooda badan la toogtay iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo,iyagoo dhanka kalena ku tilmaamay Soomaaliya iyo Siirya ay yihiin wadamada ugu Qatarta badan ay ku shaqeeyaan saxafiyiinta caalamka.

Waxayna ugu danbeyntii ku baaqeen in wax laga qabto xadgudubyada loo geysanayo saxafiyiinya,gaar ahaan waxay si gaar ah farta ugu godeen wadamada Soomaaliya iyo Siiriya in maamulada ka jira ay ilgaar ah ku eegaan wariyaasha oo iyaga howl muhiim ah bulshada u haya.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.