Dhanka Hormarka Soomaaliya Oo Qaramada Midoobay Sheegtay In Soomaaliya Ay U Bilaabatay Waji Cusub

jiinka January 31, 2013 Comments Off
Dhanka Hormarka Soomaaliya Oo Qaramada Midoobay Sheegtay In Soomaaliya Ay U Bilaabatay Waji Cusub

Kaaliyaha xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Jeffrey Feltman iyo danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,

 

Augustine Mahiga,oo ka qeyb galay shir ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxay si wadajir ah u shaaciyeen in xaalada Soomaaliya ay tahay mid soo yara hagaageysa.

 

Kaaliyaha xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Jeffrey Feltman,ayaa shaaca ka qaaday in Qaramada Midoobay si weyn ay u taagereyso nabad ka dhalata dalka Soomaaliya iyo dib u dhiska wadanka oo dagaalo mudo sanado ah ay ka socdeen.

 

Sidoo kale Jeffrey Feltman oo ku dheeraaday marxaladii uu dalka soo maray iyo marxalada haatan la taagan yahay,

Ayaa wuxuu balan qaaday in marwaliba Qaramada Midoobay ay ilgaar ah ku eegi doonto xaalada Soomaaliya iyo sidii nabada lagaga shaqeyn lahaa.

 

Wuxuu sheegay inay Qaramada Midoobay ka go’an tahay sidii ay dowladda cusub ee Soomaaliya uga taageeri lahayd ka miro dhalinta qorshayaasheeda dib u soo celinta nabadda iyo kala dambaynta,

Isagoo intaas raaciyay in ummadda Soomaaliyeed looga fadhiyo ka tashiga aayaha dalka.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa mudooyinkii danbe dardar ku socday saraakiisha ka imaaneysa caalamka intiisa kale ee soo booqaneysa magaalada Muqdisho oo laga dareemayo ifaafalo muujinaya dib u soo noqoshada nabadii iyo kala danbeyntii dalka ka jirtay.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.