Maalgalinta Wadanka Oo Lagu Dhawaaqay Laguna Wado In Shir Ku Saabsan Soomaaliya Uu Ka Dhacayo Dalka Kenya

jiinka January 31, 2013 Comments Off
Maalgalinta Wadanka Oo Lagu Dhawaaqay Laguna Wado In Shir Ku Saabsan Soomaaliya Uu Ka Dhacayo Dalka Kenya

Shir ku saabsan maalgelinta waddanka Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan dowladdo iyo shirkado gaar loo leeyahay oo ganacsi ayaa la iclaamiyay in bartamaha sanadkaan lagu qaban doono dalka Kenya.

 

 Shirkaasi oo dhici doono bisha June 12 illaa iyo 13-ka waana Shir madaxeed looga hadlayo Maalgelinta Dalkeena Soomaaliya,

 

Waxaana soo abaabulay Ururada u Dooda Dhaqaalaha Soomaaliya ee Somalia Economic Forum amaba loo soo gaabiyo (SEC) waxaana shirkaasi soo saaray wadamada saaxiibada la ah Soomaaliya.

 

Kulanka lagu dhawaaqay in uu dhacayo bartamaha sanadkan ayaa ah Fursad lagu taageerayo dowladda Rasmiga ah kaasi oo ay ujeedadiisu tahay in diiradda lagu saaro fursadaha ay haysato Soomaalida maanta iyo Mustaqbalka lagu hormarinayo dib u dhiska Soomaaliya.

 

Xasan Dudde oo ah Maareeyaha Maamulka Kulanka Wadatashiga Dhaqaalaha Soomaaliya oo ka soo saaray bayaan magaalada Nairobi ayaa sheegay in Soomaaliya qaaday tallaabooyin geesinimo leh oo kuwajahan xasiloonida siyaasadda Soomaaliya kaasi oo xasaasi u ah arimaha dalka.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.