Aqoon iswaydaarsigan oo ay kasoo qayb galeen Wadamada Bariga Afrika sida Soomaaliya. Kenya, Uganda, Ethiopia, Eretaria, Jabuuti, Sudan, iyo Wadamada kale ee Bariga Afrika.
Soomaaliya oo uu Aqoon iswaydaarsigaas ugu Qayb Galay Dr: Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa warqad uu ka soo diyaarayay Sida ay Soomaaliya ku soo Bilowday Xajka laga soo Bilaabo Xiligii Soo galitaanka Diinta Islaamka.
Dadka Soomaaliyeed ayaa kaga hadlay dhowr Qaybood.
Diktoor Doodishe ayaa Warqadiisa kaga hadlay Safaradii Soomaalida ay ku tagi jirteen Xajka dhamaan Qarniyadii is xig xigay ee lasoo maray Isagoona Soo bandhigay Gaadiidkii loo adeegsan jiray Aadista Xajka.
Sidoo kale waxa uu ka sheekeeyay Wadooyinkii loo mari jiray Xajka marka Soomaaliya laga tagayo isagoo xusay in xujaajta Soomaalida ahayd ay laba wado ku tagi jireen Xajka sida in ay doon raacaan iyo in ay lug ku maraan wadanka Yaman iyagoo in yar Doon usii raaci jiray badda yar ee u dhaxaysa Yaman iyo Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu ka sheekeeyay Dhibaatooyinkii ay la kulmi jireen Dadyawgii Soomaaliyeed ee ku xajin jiray Qaabkaas iyaga oo sii maraya Dhul aad u adkaa maristiisa.
Dr: Doodishe ayaa sheegay in xiligan Soomaaliya ay aad ugu hor martay dhanka aadista xajka isagoo soo bandhigay Tirakoob la sameeyay 2001 ilaa 2011 kaasoo tilmaamaya in (4000) afar kun oo 70 % ay ahaayeen Lab halka 50% ay ahaayeen Dad uu Da’dooda ka sarayso 50 Sano,
Tirakoobkii la sameeyay 2011 uu Tilmaamayay (9300) Sagaal kun iyo sadax boqol kaasoo ka dhigaysa in sanadba sanadka ka dambeesa uu sii kordhayo tirarada Dadka soo Xajinaya ee Soomaaliyeed.
Drs: Maxaasin C/qaadir oo ah iyadana Aqoonyahanad Sudaniyad ah ayaa iyadana sidoo kale ka sheekaysay Qaabkii ay Soomaalida u xajin jireen Xiliyadiii hore iyo xiligan intaba
Aqoon iswaydaarsigan ayaa waxa soo abaabulay Maalulka Boqor Cabdi Caziis ee Boqortooyada Sacuudi Careebiya.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.