Wasaraadda Ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta dekadda Muqdisho ka furatay xafiisyo lagu kontaroolayo dhaqdhaqaaqa Gancasiga ee dekadda ka soo dagay ama kadhoofaya.
Munaasabadan xariga looga jarayay xafiis cusub oo loogu talagalay koontoroolka badeecada ka soo dagta dekadda magaalada Muqdisho iyo kuwa ka dhoofo ayna ka qeyb galeen wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha iyo xubno ka tirsan wasaaradda ayaa lagu qabtay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.
Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya C/llaahai Xayir Ducaale oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay in xafiiska loogu talagalay sidii uu dabagal ugu sameyn lahaa alaabta ka soo dagta dekadda iyo kuwa ka dhoofayo si loo ogaado tayadooda.
Sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane C/llahi Sheekh Ismaaciil ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku howlantahay hormarinta ganacsida dalka.
Sidii ay u koontarooli laheyd waxyaabaha soogala dalka isagoona maamulka dekadda ku booriyay in ay ka qeyb qaataan koontaroolka badeecada dalka soo galeysa.
Tan iyo markii dhidibada loo taagay xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa socday dadaalka ay golaha wasiirada ku doonayaan hormarinta wasaaradaha.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.