Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa wuxuu la kulmi doonaa Madaxweynaha Midowga Yurub MR. Herman Van Rompuy,
Siyaasigan oo u dhashay dalka Belgium-ka ayaa horey u ahaan jiray Ra’isul wasaarihii 49aad ee dalka Belgium-ka.
Intii aanu qaban xilkan uu hadda u hayo isbaheysiga Yurub, sidoo kale siyaasigan ayaa xubin ka ahaan jiray xisbiga Christian Democratic iyo weliba xisbiga Flemish Party.
Kulankan labada mas’uul oo ka dhici doona xarunta midowga Yurub ee Brussels ayaa waxaa looga wada hadli doonaa xiriirka labada dhinac iyo xukuumadda Soomaaliya oo aqoonsi buuxa iyo wada shaqeyn loo balan qaadi doono.
Booqashadan ayaa waxa ku xigi doona mid uu Madaxweynaha Soomaalia Xasan Sheekh Maxamud ku tagi doono dalka Ingiriiska.
Halkaasina uu kula kulmi doono Ra’isul wasaaraha Ingiriiska David Cameron, sidoo kale dowlada Ingiriiska ayaa iyaduna aqoonsan doonta xukuumadda Muqdisho ka jirta, taxanahan aqoonsiga ah ayaa daba socda aqoonsigii ay maraykanku aqoonsadeen xukuumadda Soomaaliya.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.