Taageero Hor Leh Oo Ay Dowladda Koonfur Afrika U Fidisay Dowlada Somaliya

jiinka January 30, 2013 Comments Off
Taageero Hor Leh Oo Ay Dowladda Koonfur Afrika U Fidisay Dowlada Somaliya

Madaxweynaha Dalka Koofur Afrika Jacob Zuma ayaa waxa uu sheegay In dowladdiisa ay Ka go’antahay Taageeridda dowladda Cusub ee Soomaaliya isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud Ku tilmaamay in uu ku howlanyahay kaalin wacan oo uu horay ugu dhaqaajinayo umaddiisa.

 

Jacob Zuma Koofur Afrika Hogaamiyaheeda ayaa Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdiisa ay siin doonto Soomaaliya dhaqaalo ay ku Hagaajin doonto Xiriirka Labada dowladood.

 

Madaxweynaha Koofur Afrika ayaa intaasi ku daray in Soomaaliya ay la garab taagnaan doonaan Taageero dhan kasta ah.

 

Madaxweyne Zuma ayaa ugu dambeyn Sheegay in horay Soomaaliya ay dhaqaalo ugu yabooheen Markalana haatan ay diyaar u yihiin in ay siiyaan islamarkaana ay ka gacan siin doonaan dowladda Soomaaliya dib u dhiska Ciidamada qalabka Sid isagoo sidoo kale mid Muhim ah ku tilmaamay Xiriirka labada dowladood.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.