Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maaalintii labaad ka qeyb galay shirka Midowga Africa uga socda Addis Ababa.
R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda Marwo Fawziyo Yusuf Adam, Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiyo Mudane Siciid Yusuf Nuur, iyo qaar ka mid ah la-taliyayayaasha Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka qeyb galay shirkaan.
Madaxweynaha ayaa maanta la kulmay Madaxa labaad ee Bankiga aduunka mudane Makhtar Diap iyo wafdi uu hogaaminayay,waxaana ay ka hadleen qaabkii Bankiga Aduunka uga kaalmeyn lahaay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay horumar ka gaarto dhinaca hab- maamuleedka dakhliga iyo canshuuraha.
Madaxweyne Xassan Sh. Maxamud iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa caawa waxey u dhoofayaan Xarunta Midowga Yurub (EU) ee Brussels kadib markii uu Madaxweynaha ka helay casuumaad rasmi ah ururka Midowga Yurub. Madaxweynaha ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa Madax kala duwan ee ka tirsan Midowga Yurub (EU)
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.