Wasiirka Howlaha Guud & Dib U Dhiska Dalka Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Oo Maanta Kormeer Ku Tagay Xarunta Wasaaradda Dhawaan Lagu Soo Biiriyey

jiinka January 28, 2013 Comments Off
Wasiirka Howlaha Guud & Dib U Dhiska Dalka Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Oo Maanta Kormeer Ku Tagay Xarunta Wasaaradda Dhawaan Lagu Soo Biiriyey

Wasaaradda howlaha guud ayaa qeybtii ugu horeysay ee Gaadiidka ku warejisay Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/laahi Ciilmoge Xersi ayaa Maanta kormeer kutegay xarunta wasaaradii Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho waxa uuna kusoo wareegay qeybaha ay Kakoobantahay xarunta wasaaraddaasi maadaama lagu soo biiriyay wasaaradiisa.

 

Wasiirka ayaa waxaa kormeerkiisa kuwehliyay wasiirka howlaha guud dekedaha Iyo gaadiidka Bada Muxudiin Maxamed Kaalmooy oo ay horay u hoostagi jiraty Wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka inkastoo dhawaan kulan ay yeesheen Golaha wasiirada isbedel lagu sameeyay habka wasaaradaha la isku raacsiiyay.

 

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka bada Muxidiin Maxamed Kaalmooy ayaa Halkaasi wasiirka Warfaafinta iyo Gaadiidka kula wareejiyay xarunta wasaarada Gaadiidka oo howlo muhiim ah ka heysa dalka islamarkaana dadaal dheer ugu jirta soo celinta sharciyadii gaadiidka.

 

Wasiirka warfaafinta Isgarsinta iyo Gaadiidka mudane C/laahi Ciilmooge Xersi oo Isna goobta kahadlay ayaa u mahadceliyay madaxda wasaaradda howlaha guud Iyo gaadiidka bada isagoo tilmaamay inay halkooda kasii wadi doonaan howshii ay Soo bilaabeen madaxda wasaaradii uu gaadiidku horay u hoostagi jiray.

 

Dhawaan ayey aheyd markii isbedel lagu sameeyay qaab dhismeedka Xukuumadda gaar ahaan wasaaradaha qaarkood oo lagu kordhiyay shaqooyin hor Leh halka qaarkoodna laga wareejiyay hay,ado horay u hoostagi jiray.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.