Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa oo ah Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga arrimaaha Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay saxaafada ayaa soo dhaweeyay hadalka Ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Max’uud kaasi oo ahaa in la qaado Cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee Saaran dalka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa hadalka Madaxweynaha ku tilmaamay Mid Geesinimo ah isagoona Xusay in Soomaaliya ay ka baxday Xilligii KMG ahaa loona Gudbay dowlad Federaal ah loona baahanyahay in la qalabeeyo Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga arrimaha Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaramada Midoobay ugu baaqay in ay tix Galiso hadalka Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana ay qaado cuna qabateynta dhinaca hubka ah ee Saaran Soomaaliya.
Hadalka Guddiga arrimaha Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu ka hadlay Shir Madaxeedka Midowga Afrika islamarkaana uu dalab ugu diray Beesha Caalamka in Xayiraadda Hubka laga qaado Soomaaliya.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.