Wafdigaan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed ayaa maanta barqanimadii waxa ay ka dageen Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiinta dowladda ee gobolka Bay.
Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha gudaha ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiim Xaaji Maxmuud Fiqi iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.
Ujeedka safarka ay ku tageen wasiiradan ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay u kuur galayaan xaaladaha ka jira deegaanada iyo degmooyin ay dowlada ka maamusho gobolka Bay ee Koofur Galbeeda Soomaaliya.
Korneel Mahad C/raxamaan Taliyaha Ciidamada booliska gobolka Bay oo la hadlay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in wafdiga uu soo gaaray Magaalada Baydhabo islamarkaan ay soconayaan kulamo ay la qaadanayaan saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, maamulka gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolkaasi.
Qaar kamid ah golaha wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmihii danbe waxa ay safaro ku tagayeen qaar ka mid ah gobollada ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya kuwaasi oo la kulmayay saraakiisha ciidamada iyo maamulada gobolladaasi.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.