Olalaha Nadaafada maanta ka biloowday Degmooyin ka tirsan Gobalka Banaadir ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku dhawaaqay abaalmarin muhiim ah.
Degmooyinka qaar ee Gobalka Banaadir ayaa laga sameeyay ololaha Nadaafada halkaasi oo saaka ka biloowdeen degmooyinka qaar ee Gobalka Banaadir.
Degmooyinka saaka ololaha Nadaafada uu ka biloowday ayaa waxaa kamid ah Degmada Xamar jajab ee Gobalka Banaadir halkaasi oo lagu arkaye haween wata agabka kala duwan ee Nadaafada kuwaasi oo qashinka uruurinaye.
Ilaa dhowr Degmo ayaa ololaha Nadaafada uu maanta ka socda oo ay kamid tahay Xamarweyne,Shangaani iyo sidoo kale Degmada Hiliwaa.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Degmadii ku guuleysata Nadaafada ay helayso lacag gaaraysa 15-kun oo doolarka Mareykanka.
Halka sidoo kale Degmadii ku xigtana ay helayso 10-kun oo doolar Degmada saddexaadna la siinayo 5-kun oo doolar.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.