Tartankii Koobka SULEYMAAN COLAAD ROOBLE ee magaalada JEDDAH oo si habsami leh u socda.
Cayaaro katirsanaa tartanka koobka Suleymaan Colaad Rooble ee Magaalada Jeddah Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta ku dhexmartay kooxaha GOLD STARS VS. MARKACADEEY, DHIMBIL VS. WEBISHABELLE iyo Kooxaha DAALLO VS. WEBISHABEELLE2
Cayaarahan oo weli ku jira isreebreebka wareega koowaad ayaa waxay cayaartoyda kooxaha ka qeyb galaya maalinba maalinta ka dambeysa lasoo baxayaan firfircooni dheeri iyo cayaar wanaag taageerayaasha soo jiidata.
Cayaarta koowaad ayaa waxay dhex martay naadiyada GOLD STARS VS. MARKACADEEY oo labaduba ah kooxaha la filayo inay kasoo madax muuqdaan guruubkooda, haseyeeshee cayaartii dhexmartay laba kooxood ayaa la oran karaa waxay hoos u dhigtay saadaashii shakhsiyaadka isboortiga, iyadoo ay kooxda Markacadeey lasoo shirtagtay Daal iyo kala furfurnaan dhinaca difaacooda ah,
Intii ay ciyaartu socotay waxay laba kooxood soo bandhigeen ciyaar xiiso galisay dhamaan dadweynihii faraha badnaa ee usoo daawasha tagay maanta garoonka Altaraji ee xaafada Sharafiyah.
Gelinkii hore ee ciyaarta ayay labada kooxood ahaayeen kuwo isku ciyaar ah, waxayna qeybtii hore ee ciyaarta kusoo gabagabowday 2 – 1 oo ay kooxda Gold Star ku hogaaminaysay, haseyeeshee gelinkii dambe ayay kooxda Markacadeey is dhigatay, waxayna halkaasi ku mutaysatay in laba gool oo kale laga dhaliyo, cayaartiina ay ku dhamaatay 4 gool iyo Gool.
Labadan kooxood ay isku miisaan ahaa gelinkii hore ee ciyaarta waxna kalama liidan iyagoo isweydaarsaday weeraro halis ah, waxaana halkaasi si weyn uga ciyaaray labada goolhaye.
Cayaartii labaad ee ka dhacday garoonka Sharafiyah ayaa dhexmartay labada naadi ee kala ah DHIMBIL VS. WEBISHABELLE, oo dadweynihii usoo daawashategay wax ka bedeshay saadaalintooda, iyadoo dadka oo dhan ay aminsanaayeen in dhalinyarada WEBI-SHABEELLE ay boobsan doonto barbaartii DHIMBIL oo ciyaartoydoodii lakala daadiyay,
Ayna u safanayaan ciyaaryahano kale oo ku cusub naadiga, haseyeeshee dareenka dadweynaha ayaa isbedelay kolkii ay arkeen in ay lasoo shirtageen kooxda DHIMBIL farsamo iyo xeelado fajac iyo amakaag ku riday cayaartoyda WEBI-SHABEELLE, waxayna gelinkii hore ee ciyaarta ku soo gabagabeeyeen 2 – 0.
Gelinkii dambe ee ciyaarta la isugu soo noqday ayay koox walba lasoo tashatay tababaraheeda iyadoo rajeyneysay inay wax ka bedesho hanaanka iyo natiijada ciyaarta,
Ayaa hadana waxaa kooxda Dhibil u suura gashay inay laba gool oo darandoori ah la helaan shabaqii Goolhaye Waxiid Cabdo oo maanta u ekaa mid daalan, waxayna cayaarta kusoo idlaatay 4 – 0 oo ay kooxda DHIMBIL ugu awood sheegatay dhalinyaradii WEBE-SHABEELLE.
Cayaar saddexaad oo iyana ka tirsan tartanka koobka Suleymaan Colaad Rooble ayaa ka dhacday garoonka salaada cishaha kadib, iyadoo ay wada ciyaareen kooxaha DAALLO VS. WEBISHABEELLE2.
Cayaartan sadexaad ayaa kusoo dhamaatay guuldaro soo gaartay kooxdii ku ciyaaraysay Webi-Shabeelle2, iyadoo laga dhaliyay 3 gool iyana ay gool keliya la yimaadeen, waxayna halkaasi guushii ku raacaday naadiga DAALLO oo ka firficoonaa Webi-Shabeelle2.
Waxaa diyaariyay:
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir “Diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com
Comments are closed.