Waxaa maanta xabsiga dhexe loo gudbiyay wariye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahin Koronto kaasoo ka howgei jirey raadiyaha dalsan oo ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ka howlgala.
Wararka aan heleyno ayaa tilmaamaya in wariyaha oo ku xirnaa xarunta CID maanta loo gudbiyay xabsiga dhexe waxaana arintasi ka hadlay Xeer Ilaalinta Guud C/qaadir Maxamed Muus kaasoo tilmaamay in xabsigaasi laga soo saari doono wariyaha marka maxkamada la saarayo kaliya.
“dhawaan ayaa maxkamad la saari doonaa oo la iska fasixi doonaa ama danbi lagu qaadi doonaa”ayuu yiri Gudoomiyaha Xeer Ilaalinta Guud C/qaadir Maxamed Muus.
Mas’uulkaani waxaa uu carabka ku dhuftay in Taliska Boliiska oo awalba baaritaan ku hayay kiska wariyaha inay iminkana iyagu amreen in xabsiga dhexe loo soo gudbiyo wariye Koronto oo loo haysto warbixin kufsi ku saabsan oo uu qalabka warbaahinta ka sii daayay.
Taliska Boliiska Soomaaliyeed ayaa ku adkeysanaya in wariyuhu abuurey warbixinta uu sameeyay ee ah in askar boliis ah ay kufsadeen gabar soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa barakacayaasha ah halka wariyayaasha ay iyaguna ku sheegayaan in dowladu caburineyso wararka ay saxaafadu tabineyso.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.