Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Wasiirka Howlaha Guud & Dib U Dhiska Dalka Ayaa Shacabka Soomaaliyeed Ugu Baaqay Inay Did U Dhiska Dalka Ka Qayb Qaataan

jiinka January 23, 2013 Comments Off
Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Wasiirka Howlaha Guud & Dib U Dhiska Dalka Ayaa Shacabka Soomaaliyeed Ugu Baaqay Inay Did U Dhiska Dalka Ka Qayb Qaataan

Wasaarada howlaha guud iyo dhib udhiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka qeybqaataan dib udhiska dalka Soomaaliya.
Muxudiin Maxamed Kaalmooy Wasiirka dib udhiska iyo howlaha guud ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay leeyihiin Soomaali balse aysan laheyn dad shisheeye laakiin Dowladda Soomaaliya dallalka caalamka ay weydiisato kaalmooyin ku aadan dib udhiska dalka.

 
Wasiirka ayaa sheegay in hadii caalamka la weydiisto kaalmo macnaheeda uusan aheyn in dib udhiska dalka Soomaaliya ay caalamka masuuliyad ka saaran tahay.

 
Wasiirka ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu ka muuqdo burbur xoogan sidoo kalena loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka qeybqaataan hanaanka dib loogu dhisayo dalka.

 
Magaalada Muqdisho ayaa iminka ka soo kabanaysa burburkii xoognaa ee mudada ka muuqday iyadoo shacabkana ay sameynayaan dib udhis iyo dayactiro goobahooda ganacsi iyo guryahooda.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrshid@gmail.com

Comments are closed.