Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya Oo Dowlada Turkiga Ka Hergelindoonto Dib U Dhis

jiinka January 23, 2013 Comments Off
Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya Oo Dowlada Turkiga Ka Hergelindoonto Dib U Dhis

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar oo ku sugan dalka Suudan.

 

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay dadejinayso dhismaha aqalka Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Kulan labada masuul ku dhexmaray dalka Suudaan ayaa wuxuu sheegay in arimaha ugu muhiimsan oo ay kawada hadleen ay aheyd sidii Dowladda Turkiga ay ugu dhaqsan laheyd dhismaha xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka.

 

Wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga uu ka aqbalay hadalka ah in la dhiso Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho dhawaana Turkiga uu bilaabi doono dhismaha xaruntaasi.

 

Sidoo kale arimaha ugu muhiimsan oo uu kala hadlay ayuu sheegay inay qeyb ka aheyd dhismaha qeybo kamid ah Muqdisho oo uu burbur ka muuqdo.

 

Dowladda Turkiga ayaa horay ushaacisay inay dhisayso aqalka ay ku shiraan Baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan la dayactiray balse u baahan dhismo wanaagsan.

 
Turkiga ayaa wuxuu ka qeyb qaatay dadaalada Soomaaliya lagu horumarinayo iyadoo kaalin muuqato uu kaga jiro howlaha dib udhiska dalka.

 

 

 

cuamr c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.