Magaalada Muqdisho Oo Soo Gaaray Danjiraha Cusub Ee Kenya

jiinka January 23, 2013 Comments Off
Magaalada Muqdisho Oo Soo Gaaray Danjiraha Cusub Ee Kenya

Safiir Cusub oo dowladda Kenya ay u soo Magacaawday soomaaliya ayaa Maanta waxa uu soo gaaray Magaalada Muqdisho.

 

kaasi oo uu socdaalkiisa ku wehliyay Safiirka Soomaaliya u Fadhiya dalka Kenya Ambasador Max’ed Cali America.

 

Socdaalkaan ay maanta Ku yimaadeen Magaalada Muqdisho Safiirka Cusub ee dowladda Kenya ay u soo Magacaawday Soomaaliya iyo Weliba Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Kenya.

 

Imaanshahooda Kadib waxa ay labada Masuul Oo Faah faahin ka bixiyay Socdaalkooda inkastoo Safiirka Kenya aan weli laga Guddoomin Waraaqihii aqoonsiga.

 

Labada Safiir ayaa u sheegay Saxaafadda in labada dowladood uu u soo wanaagsanaanayo Xiriirkooda islamarkaana uu noqon doono Xiriirkooda mid soo jireen ah.

 

Ugu dambeyn Masuuliyiintaan ayaa waxa ay sheegeen in ay iska kaashan doonaan dhinacyada ammaanka siyaasadda iyo Xiriirada kale ee Dublumaasiga.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gamial.com

Comments are closed.