Munaasabad balaaran oo lagu sagootinayay wafdigii ka socday dowlada Ciraaq ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaarada gaadiidka ee magaalada Muqdisho.
Munaasabada sagootinta ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayna soo qabanqaabisay wasaarada Howlada Guud,
Ayaa waxaa ka so qeybgalay mas’uuliyiin kala duwan iyo martisharaf, iyadoo halkaasina ay suugaan dhaxalgal ah kusoo bandhigeen fanaaniinta kooxda Heegan iyo barbaarta gaashaaman.
Agaasime Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur oo ugu horeyn ka hadalay munaasabadda ayaa u mahadnaqay wafdiga ka socda wasaarada howlaha guud ee dalka Ciraaq oo malmahan booqasho ku jooga magaalada Muqdisho,
Isagoo tilmaamay in ay qiimeyn ku sameeyeen burburka soo gaaray wadooyinka iyo dhismayaasha dowlada.
Dr, Cabaas Faadil oo ah agaasimaha guud ee wasaradda Howlaha guud ee dalka Ciraq isla markaana horkacayay wafdiga ka socda dowlada Ciraaq oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu salaan ka sido madaxda ugu sareysa dalka Ciraaq,
Isagoo raaciyay in ujeedada ay u yimaada Muqdisho ay tahay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska dalka.
Wasiirka wasaarada Howlaha Guud Muxiyadiin Maxamed Kaalmooy oo geba-gebadii munaasabadaasi ka hadlay ayaa uga mahadceliyay booqashada wafdiga ka socda dalka, isagoo ka rajeeyay dowlada Ciraaq in ay dib u soo nooleyndoonto mashaariicdii ay dalka ka fulinjireen burburka ka hor.
Wafdigan uu hogaaminayay agaasimaha guud ee wasaarada howlaha guud ee Ciraq oo ka kooban Quburo iyo Injineero islamarkaana maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogay Muqdisho ayaa u kuurgalay burburka wadooyinka iyo dhismayaalka,
Iyadoo lagu wado in maalinta beri ah ay dalka ka ambabaxaan.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.