WAR DEG DEG Baardheere oo la duqeeyay

jiinka August 23, 2012 Comments Off
WAR DEG DEG Baardheere oo la duqeeyay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gado ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dheceen Duqeyn dhanka Cirka ah oo sida la sheegay ay geysatay Diyaarad Dagaal oo laga leeyahay Dalka Kenya .

Wararku waxa ay Tilmaamayaan in Duqeyntaasi uu ku dhintay Hal Ruux halka mid kalana uu ku dhaawac may sida ay inoo xaqii jiyeen dada goob joogayaal ah .

Duqeynta maanta ayaa waxa ay ka Dambeysay kadib markii Dagaal uu ka dhacay Deegaanka Ceel Cade oo ku dhaw Xarunta Gobolka Gado ee Garbahaareey

Xaaalad cabsi ah ayaa laga dareemayaa halka maanta ay dueynta ka dhacaday maadaama Waqti waliba laga filankaro in halkaasi ay markale la duqeeyo.

Dowladda Kenya ayaa horey u shaacisay in ay duqeyn ka geysan doonto Saldhigyada Ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin Magaalooyin Dhowr ah oo ay kamid tahay Magaalada Dakadda leh ee Kismaayo halkaasi oo ah halka ay ku haminayaan Ciidamada Kenya ee dhawan ku biiray kuwa AMISOM

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.