Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolka Sh/dhexe Cabdi Weli Ibraahim Max’ed oo faah faahin ka bixiyay qarax xalay ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/dhexe.
Taliyaha ayaa Sheegay in qaraxa uu ka dhashay nin Miinooyin isku soo Xiray oo damacsanaa in uu isku qarxiyo Masjid ku yaalla Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe isagoo carabka ku dhuftay in aaney Jirin wax Khasaaro ah oo soo gaaray dadka ku jiray Gudaha Masjidka Marka laga soo tago Khasaaro Maadi ah oo ku’aadan bur bur banaanka Hore ee Masjidka soo gaaray iyadoona uu ku dhintay ninka falkaasi damcsanaa.
Taliyaha ayaa waxa uu tibaaxay in ninka Miinadu ay ku qaraxday uu ka tirsanaa Ururka Al Shabaab kaasi oo uu sheegay in ay ku raad Joogeen in muddo ah Sida uu hadalka u dhigay.
Taliyaha ayaa dhinaca kale ka warbixiyay howl gallo Ciidamada dowladda ay ka sameeyeen gudaha Degmada Jowhar kuwaasi oo ay ku soo qab qabteen hub iyo walxaha Qarxa uu sheegay in Al Shabaab ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka degmadaasi.
Hadalka ka soo baxay Taliska Ciidamada Nabad sugida gobolka Sh/dhexe ayaa imaanaya iyadoo xalay halkaasi uu ka dhacay Qarax ay Saraakiishu sheegeen in lala damacsanaa in lagu qarxiyo Masjid ku yaalla Degmada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.