Banaan baxani oo ahaa mid lagu taageerayay Go’aankii dowladda Mareekanka ay ku aqoonsatay dowladda Soomaaliya.
Ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo ay ka qayb galeen Masuuliyiin ka tirsna dowladda Soomaaliya.
Banaan Baxayaasha oo watay Boorar ay ku xardhanaayeen Hal ku dhigyo ay ku taageerayeen Xukuumadda Soomaaliya iyo Go’aankii dowladda Marteekanka ayaa waxa ay isugu soo Uruureen Degmada X/weyne halkaasi oo ay kula hadleen Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya qaarkood.
Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad ugu Faraxsantahay in dadka Reer Muqdisho ay soo dhaweeyaan Go’aanka dowladda Mareekanka,
Waxaana uu sheegay in Go’aankaasi uu Soomaaliya u horseedayo in Soomaaliya ay ku tilaabsato Isbedel Cusub.
Ra’isla Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo isna Munaasabadaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal u gashay in ay Xoojiso Xiriirka Caalamiga ah si ay u hesho Saaxiibo badan oo caalamka ah oo gacan ka siiya Horumarka dalka.
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Nadaafadda Gobolka Banaadir isagoo sheegay in Degmadii ugu hormarta Nadaafadda Gobolka Banaadir Lagu abaal Marin doono dhaqaalo gaaraya illaa 15 kun oo dollar.
Sidoo kale degmada kaalinta labaad gasha ayaa iyana Ra’isal Wasaaruhu u ballan qaaday in ay heli doonto abaal Marin ahaan 10 kun oo dollar.
Halka seddexaadna la siin doono illaa 5 kun oo dollar.
Banaan baxani maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan Booqasho Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Mareekanka ay Masuuliyiinta dalkaasi ku siiyeen aqoonsi.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gamail.com
Comments are closed.