Kooxda Jaguar FC Ee Dalka Austrelia Oo Tababare Soomaaliyeed Keenay Horyaalka Kaalinta Labaad

jiinka January 21, 2013 Comments Off
Kooxda Jaguar FC Ee Dalka Austrelia Oo Tababare Soomaaliyeed Keenay Horyaalka Kaalinta Labaad

Tababaraha Soomaaliyeed ee leyliya kooxda Jaguar Fc ee ka ciyaarta horyaalka heerka 1-aad ee West Austrelia Cabdi Xakh Maxamed Axmed ayaa ku guuleystey in kooxdiisu gasho kaalinta 2-aad ee horyaalka.

 

Markii dhamaan kulamadii horyaalkaasi ay keensadeen 46 dhibic.

Horyaalka West Austrelia ee ay ka qeybgalayeen kooxda Jaguar Fc ee uu macalin Cabdi Xakh uu hogaamiyo ayaa waxaa ciyaarayey kooxo aad u awood badan oo ka dhisan Pearth waxaana kooxda horyaalka qaadey ay ka horeysey Jaguar Fc 2 dhibic oo kaliya,

 

Taasi oo muujineysay awooda ay la timid kooxda markii bartamihii sanadkii hore heshiis la gashey Tababaraha soomaaliyeed.

 

Kooxda Jaguar Fc ee uu leyliyo tababare Cabdi Xakh ayaa waxaa ay dhisneyd ka badan 50 sano,waxaana u badan ciyaaryahano kasoo jeeda qaaradda Africa ee qaarkood heysta dhalashada dalka Austrelia markii qoyskoodu halkaasi gaaray sanado hore,waxaana xusid mudan in heerka uu imanka keenay tababaraha Soomaaliyeed aysan imaanin tobankii sano ee ugu danbeeysey ee ay ciyaarayeen horyaalka.

 

 

Tababare Cabdi Xakh oo si weyn u garanayaan bahda Sportiga Soomaaliyeed,gaar ahaan bahdii ciyaarihii Gobolada ee beri samaadkii, ayaa shaqo adag ka qabtey kubadda cagta isagoo soo saarey ciyaaryahano Soomaaliyeed .

 

Markii uu gaaray dalkaasi qaaradaasi Austrelia,waxana lagu xusuustaa in sanadkii 2009 uu qaatey Best Coach tartan sanadeed jaaliyadaha caalamka ee Perth ka dhacay,

 
sidoo kale sanadkii 2010 ayaa mar kale magaciisu lagu daabacay websityada dalalka caalamka qaar, markii uu heer wanaagsan uu gaarsiiyey kooxda Soomaalida u badneyd ee ODAA Fc oo uu heerka 1-aad u suurta geliyey.

 

Inay ka dheesho,waxaana markaasi la gudoonsiiyey abaaal marinta ugu qaalisanayd ee (Best Coach of Tournament).

 
Maadaama uu horyaalkii heerka 2-aad wacdaro kasoo dhigey ayaa waxaa dalabyo kasoo gaareen kooxo waaweyn oo West Austrelia ka dhisnaa,isagoo Tababaro (Coachin Course) oo dalkaasi lagu qabtey ka galay kaalinta hore,waxaana uu helay shahaadada ugu sareysa ee macalin kubadda cagta ah (Level 3).

 
Waxaa uu macalinku helay dalabyo kala duwan oo xitaa laga soo dalbadey kooxo ka dhisan Magaalada Caasimadda ah ee Sydney,laakiin waxaa uu Diidey inuu ka dheeraado qoyskiisa maadaama ay aad u kala fogyihiin gobolka uu ku noolyahay iyo Gobolka caasimadda dalkaasi ee Sydney,

 
Maadaama uu diidey inuu ka fogaado qoyskiisii waxaa uu Macalinku heshiis la galay Koox fac weyn oo ka dhisan gobolka uu degan yahay oo lagu magacaabo Fremantle Spirit ,taasi oo la aasaasay Sanadkii 1881,hase yeeshee wuxuu bartamihii sanadkii hore 2012 usoo wareegey kooxda Iminka uu keenay kaalinta 2-aad ee horyaalka ee Jaguar Fc.

 
Macallin Cabdi Xakh ayaa ii sheegey in guulaha uu ka gaaray tababarida Kubadda Cagta marka laga soo tago dadaalkiisa uu uga mahad celinayo bahda Sportiga Soomaaliyeed,

Gaar ahaan Xiriirka Kubadda Cagta SFF,isagoona rajeeyey in uu horey usii wado xerfadiisa Tababarnimo iyo in uu soo saaro Ciyaartoy badan oo Mustaqbalka dhow anfaca Xulka qaranka Soomaaliya.

 

Isla markaana difaaci doona Calanka Soomaaliya ee sharafta badan leh.

 

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gamil.com

Comments are closed.