Xilli Magaalada Muqdisho ay dib ugu soo laabteen safiirada Soomaaliya ufadhiyay dalalka caalamka kadib markii ay isugu yeertay Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya.
Waxa arintaasi ka hadlay Guddiga arimaha dibada Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka Gudigaasi Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ku baaqay in wasaarada arimaha dibada ee Dowladda Soomaaliya ay wax ka qabato isqab-qabsiga ka jira safaaradaha Soomaaliya qaarkood ee dalalka caalamka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in si looga gudbo isqab qabsigaasi wasaarada arimaha dibada Soomaaliya inay magacawdo safiirada cusub ee Dowladda Soomaaliya ufadhin doono dalalka caalamka.
Hadalka Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa wuxuu imaanaya iyadoo Wasaarada arimaha dibada dalka Soomaaliya ay qorsheysano inay dib uhabeyn ku sameyso safaaradaha Soomaalida ee dalalka caalamka.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.