Liiska Magacyada Xubnaha Beesha Sade uga mid noqonaya Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya

jiinka August 23, 2012 Comments Off
Liiska Magacyada Xubnaha Beesha Sade uga mid noqonaya Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya

Liiska Magacyada Xubnaha Beesha Sade uga mid noqonaya Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo shalay lagudbiyey iyo xubno la soo celiyey.
Guddiga farsamada ee xulista Baarlamaanka cusub ayaa shalay siiyey warqadihii aqoonsiga 19-xildhibaan oo ka mid ahaa 21-xubnood oo isugu jiray kuwo aysan beeluhu weli soo gudbin iyo kuwo horey loo heystay oo ay baaritaano kala duwani ku socdeen kuwaas oo Guddigu sheegeen in la aqbalay, ayna haatan ka mid noqdeen xildhibaanada cusub ee Soomaaliya.
Xildhibaanadan ayaa waxaa ka mid 12 xidhibaan oo ka socday beesha Sade {Mareexaan}, kuwaas oo Guddiga shalay loo gudbiyey waxayna ka koobnaayeen markii hore 14-xubnood hase ahaatee waxaa la sheegay in la gudbiyey 12-xubnood halka labadii kale dib loo celiyey sababo aan illaa hadda la sheegin, waxayna magacyadoodu kala yihiin:-

1. Aadan Sidiiq Maxamed {Aadan Waqmaashe} {beesha Waqmahashe/Reer Xasan
2. Axmed Cusmaan Ibraahim {Axmed Daqare} {beesha Reer Yuusuf/Reer Xasan}
3. Cabdulaahi Yuusuf Xasan {Alankey} {beesha Talxe}
4. Dr. Cabdi Cali Xasan {beesha Urmidig}
5. Muuse Sheekh Cumar {beesha Hawraarsame}
6. C/fitaax Nuur Mataan biriq {beesha Faqa-Yaaquub}
7. Cabdi Nuur Cali Sii-sii {beesha Reer Axmed}
8. Ambassador Maxamuud Cali Magan {beesha Reer Ugaas Sharmake}
9. Dr. C/naasir Maxamed Cabdulle Garjeex {beesha Reer Siyaad Diini}
10. C/rashiid Suufi Deerow {beesha Cali-dheere}
11. General Axmed Warsame Maxamed {beesha Celi}
12. Dr. Xuseen Warsame Gafarse {beesha Wagardhac}
13. C/laahi Maxamed Xirsi {Qorax} {beesha Reer Xirsi}
14. Nuur Baadiyow {beesha Reer Kooshin}, waxaana xubnahan 14-ka labo ka mid ah dib loo celiyey, kuwaas oo la sheegay in baaritaano ay u dhimanyihiin, waxayna kala yihiin labadaasi xubnood General Axmed Warsame Maxamed iyo Dr. Xuseen Warsame Gafarse.
Dhinaca kale waxaa shalay Guddiga ogolaadeen 7-xildhibaan oo ka mid ahaa xildhibaanadii la soo celiyey, kuwaas oo qaarkood loo heystay sida ay Guddigu ku doodayeen baaritaano dheeraad ah oo loo baahday, balse loo heystay sida ay horay u sheegeen inay ka tirsanaayeen Midowgii Maxkamadaha Islaamka iyo hogaamiye kooxeednimo, waxayna xildhibaanada cusub magacyadoodu lagu kala sheegay sida tan:-
1-Sheekh C/qaadir Cali Cumar Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha kana mid ahaa Hogaamiyaashii Maxaakiimta Islaamiga, saaxiib dhowna la ah Madaxweyne Shariif.2- Xasan Macalin Maxamuud Wasiiru-dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya ,hadana ka Howlgala Madaxtooyada Soomaaliya kana mid ah ragga sida aadka ah ugu dhow Sheekh Shariif.
3-C/rashiid Maxamed Xidig Wasiir Ku xigeenkii hore ee Gaashandhigga kana mid ahaa Xildhibaanadii la kala diray, saaxiib dhowna la ah Shariif Xasan iyo afar nin oo magacyadooda lagu kala sheegay Xildhibaan Geeseey, Maxamed Cabdulle Faarax, Maxamed Maxamuud Ibraahim iyo Jaamac Oday.
Waxaana warku intaasi ku darayaa in xildhibaanada ay Guddiga farsamadu shalay gudbiyeen la dhaarin doono saacadaha soo socda, halka warar kale ay sheegayaan in markii ay 20 xubnood gaaraan hal mar la dhaarin doono, waxayna gudbinta xildhibaanadan cusub ku soo aadaysaa iyadoo inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka cusub la dhaariyey, isla markaasna uu Barlamaanku u diyaargaroobayo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, waxaana la sheegay in tirada xildhibaanada guud ahaan ka gudbay Guddiga farsamada ay hadda ka badan yihiin 230-xubnood in kastoo ay jiraan ku dhawaad 20-xubnood aan la dhaarin,waxaa jira beelo aan weli soo gudbin xidhibaanadoodii iyo kuwo khilaafyo u dhexeeya beelaha dhexdooda.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.