R/wasaare Saacid oo ay wehliyaan wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga C/kariim Xuseen, Wasiir ku xigeennada warfaafinta iyo Gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada ayaa maanta kormeer howleed ku tagay Degmada afgooye ee G.Shabeellada Hoose si uu ugu kuurgalo xaaladda amni iyo tan nololeed ee ay ku noolyihiin dadka ku nool Degmada.
R/Wasaaraha ayaa kula kulmay degmada Afgooye maamulka degmada iyo Saraakiisha, Waxgaradka, Aqoonyahannada iyo qeybaha Bulshada waxa uuna ku amaanay R/wasaaruhu sida wanaagsan oo ay ula shaqeeyaan Dadweynaha Reer Afgooye Df Soomaaliya iyo sida ay uga go’antahay hirgelinta Nidaamka Dowladnimo.
R/Wasaare saacid ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsanyahay booqashadiisa Afgooye islamarkaana Dowlada Soomaaliya ka go’antahay hirgelinta Adegyada Bulshada ee Gobollada wadanka.
Waa markii ugu horreysay ee uu R/wasaaruhu booqdo meel ka baxsan caasimadda tan iyo markii loo dhaariyay Xafiiskiisa.
Dhanka kale R/wasaaraha ayaa markii uu Afgooye ka soo laabtay kadib booqday xarunta Idaacadda Shabeelle ee ku taalla agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde waxa uuna kula kulmay maamulka iyo shaqaalaha Shabeelle kuwaas uu uga tacsiyeeyay Geerida saaxiibkood C/xareed waxa uuna R/Wasaaruhu guddoonsiiyay Deeq lacageed oo aan cadadkeeda la shaacin.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.