Wafuud Ka Socotay Dalka Ciraaq Oo Muqdisho Booqasho Ku Jooga Oo Kormeeray Qaar Kamid Ah Bur-Burka Xarumaha Wasaaradaha

jiinka January 20, 2013 Comments Off
Wafuud Ka Socotay Dalka Ciraaq Oo Muqdisho Booqasho Ku Jooga Oo Kormeeray Qaar Kamid Ah Bur-Burka Xarumaha Wasaaradaha

Wafdigan ka socda dawladda  Ciraaq oo uu hogaaminayo agaasimaha mashaariicda Dhismooyinka dawladda Ciraaq mudane Cabaas Faadil Maxamed ayaa  kormeeray Qaar katirsan dhismooyinka wasaardaha dawladda federalka ah ee Soomaaliya.

 

Si ay Ugu kuur galaan habka ugu wanaagsan ee  ay u dhisi karaan dhismooyinkaasi ku Burburay dagaaladii sokooye.

 

Waxaana kormeerkoda ku wehliyayay wasiir kuxigeenka wasaaradda  hawlaha Guud dib u dhiska Gaadiidka Badda iyo Dekadaha iyo tamarta xukkumadda Soomaaliya Nadiifa Maxamed Cusmaan,iyo sidoo kale qaar ka tirsan Agaasimayaasha wasaaradaha dawladda Soomaaliya.

 

Markii uu soo idlaaday socodka indha indhaynta ahaa ayaa mudane Cabaas Faadil iyo ku xigeenka wasiirka Hawlaha guud iyo dib u dhiska dalka.

 

Nadiifa maxamed  cusmaan oo ugu horayntii hadalka qaadatay ayaa uga Mahadcelisay dawladda Ciraaq dadaalka ay ugu jirto in dawladda Soomaaliya ay soo Ceshato isla markaana ay ku shaqeeyso wasaardaha kala duwan ee dhismayaashoodu ay ku burbureen  dagaaladii sokeeye.

 

Waxayna ugu baaqday Dawladaha kale ee  caalamka inay dhankooda ka taageeraan Soomaaliya sidii ay Cagaheeda isugu taagi lahayd loona horumarinlahaa dadaalada ay hadda wado dowladda kajirta.

 

Cabaas Faadil Maxamed  ayaa sheegay in wafdigooda lagu dhisay kulankii u Dambeeyay ee ay yeesheen wadamada carabta  uuna go’aansaday wasiirka dib u Dhiska dawladda Ciraaq

 

In wafdigani loosoo diro Soomaaliya  si Ciraaq ay Soomaaliya uga gacan siiso dib u dhiska aanayna noqon doonin kormeerkii ugu Horeeayay balse ay garab taaganyihiin dhigeeda Soomaaliya.

 

Wafdigan kasocda dawladda Ciraaq isla maarkana ujeedkoodu  yahay sidii ay Ciraaq Dalkeena ugala qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska ayaa  joogi doona magaalada Muqdisho.

 

Maalmaha soosocda iyagoo kormeeri doona dhismayaal badan oo ay Gacan ka gaysan doonaan sidii loo dayactiri lahaa kuwaa oo ay dawladda Soomaaliya baahi weyn u qbato inay ku shaqeyso xiligan.

 

 

 

 

 

Cumar c/rashiid

cumarrashid@gmial.com

Comments are closed.