Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Raaskaambooni iyo xoogagga Al-shabaab ayaa habeen hore ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan isla markaasina labada dhinac ay isu adeegsanayeen hubka fudud iyo kan culus ayaa waxa uu yimid ka dib markii cutubyo ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen magaaladaasi.
Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanayey ayaa magaalada Afmadow la wareegay dhamaadkii bishii May ee sanadkii tagtay,
Ka dib dagaalo xoogan oo ay Al-shabaab kula galeen duleedka degmadaasi, iyadoo ay xusid mudantahay in goobjooge ku sugan magaalada Afmadow uu sheegay in dagaalkii habeen hore uu ahaa mid aad u xoogan isla maarkaasina rasaas culus laga maqlayay gudaha iyo daafaha magaalada.
Guddoomiyaha degmada Afmadow C/xakiin Xaaji Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii habeen hore, Isagoona xusay in xoogagga Al-shabaab ay u geysteen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wuxuuna intaasi ku daray in dhankooda uusan jirin wax khasaaro ah oo ka soo gaaray dagaalkii habeen hore.
Sheegashada mas’uulkani ka sokow illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka masuuliyiinta xarakada Al-shabaab oo ku aadan dagaalkii xalay,
Mana jiraan ilo ka madax bannaan labada dhinac oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Dagaalkii xalay ayaa qeyb ka ah weerarro ay xoogagga Al-shabaab aalaaba la beegsadaan degmooyinka gobolka jubada hoose ay uga suganyihiin ciidamada dowaldda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ee iskaashanaya.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.