Fc-Shandi oo saddex gool iyo waxba ugu awood sheegatay Dhalintii Waaberi, iyo kooxda Midnimo oo buuq kaga adkaatay kooxda KANDARA.
Cayaaro ka tirsanaa tartanka Koobka SULEYMAAN COLAAD ROOBLE ayaa waxay dhexmartay kooxaha Waaberi Vs Fc-Shandi iyo Midnimo Vs Kandara, ciyaarahaas oo wax weyn ka bedelay wejiyadii ciyaaraha tartanka, iyadoo kooxaha ciyaaray ay ku soo bandhigeen halkaasi ciyaaro wanaagsan oo taageerayaasha qeylo ka dhameeyay.
Cayaartii hore ee dhexmartay Kooxaha Waaberi iyo Fc-Shandi ayaa gelinkii hore ee ciyaarta kusoo gabagabowday 0 – 0 oo ay isla mari waayeen, Gelinkii dambe ee ciyaarta ayay labada kooxood kolkii ay lasoo tashadeen tababarayaashooda, waxay wax ka bedeleen farsamadooda, waxayna lasoo baxeen xeelado cusub oo qalqal gelisay labada goolhaye, waxay cayaartu socoto waxaa u suura gashay naadiga FC-Shandi daqiiqadii 19 aad ee gelinka dambe Gool macaan badan oo caalami ah oo si heer sare looga soo shaqeeyay kaasi oo welwel ku abuuray naadiga Waaberi.
Goolkaasi wuxuu wax ka bedelay hanaankii kooxda Fc-Shandi oo aad mooday inay u baahneyd dhiiragelin, waxayna si darandoori ah laba gool oo kale ka dhaliyeen kooxda Waaberi oo is dhigatay kolkii looga naxsaday goolkii koowaad. waxayna ciyaartu kusoo gabagabowday 3 – 0 oo ay guushu ku raacday kooxda FC-Shandi.
Cayaartii labaad ee ka dhacday garoonka Sharafiyah ayaa dhex martay kooxaha Midnimo Vs Kandara, waxayna cayaartu ahayd mid labada kooxood ay si feejignaan ah ku soo galeen.
Waxay cayaartu socotaba daqiiqadii 16 aad ee gelinka hore waxaa u suura gashay ciyaaryahanada kooxda Midnimo gool ay la heleen shabaqa goolhayaha reer Kandara, waxayna ciyaarta noqotay mid isjebjebis ah oo aan hanaan isboorti lahayn.
Gelinkii dambe ee ciyaarta ayay labada kooxood kusoo galeen dardar dhinaca weerarada ah, oo ay koox walba doonaysay inay xoojiso joogitaankeeda, waxaana mar labaad u suuragashay kooxda Midnimo inay gool labaad la helaan naadiga Kandara, oo aan runtii ka niyad jabin goolkaa, waxayna sii wadeen cayaarta waxaana daqiiqad kadib u suura gashay inay gool ka dhaliyaan kooxda Midnimo, oo buuq ka kicisay goolkaasi.
Kooxda Kandara ayaa ahayd koox ku gacan sareysay labada gelin haseyeeshee Nasiibkooda ayaa u diiday inay la hoydaan natiijadii maanta, waxay cayaartu socotaba waxay kooxda Midnimo daqiiqadii u dambeysay ee ciyaarta heleen goolkii saddexaad oo dhameystiray rajadii kooxda Kandara, cayaartana kusoo gabagabowday 3 – 1 oo ay kooxda Midnimo guusha ku haleeshay.
Waxaa xusid mudan in ciyaartani ahayd mid buuq badan oo ay sababeen kooxda Midnimo, iyadoo ay ciyaartoydooda ka muuqatay anshax xumo ay kula dhaqmayeen ciyaartoyda kasoo horjeeday, ha’ahaadeen aflagaado iyo jajebis ula kac ah, sidoo kale ay halkaasi ka maqneyd akhlaaq isboorti, waa arin u taala inay go’aan adag kagaaraan hogaanka gudiga fulinta ee xiriirka kubadda cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jeddah -Caneykish-.
Waxaa diyaariyay:
Mohamoud Sheik Abdulkadir ‘diyeeshe’
diyeeshe@hotmail.com
Comments are closed.