Xildhibaannada lagu muransanaa oo la xalliyay

jiinka August 23, 2012 Comments Off
Xildhibaannada lagu muransanaa oo la xalliyay

Prof. Cabdullaahi Xiirey

Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee lagu mursansanaa ayaa la oggolaaday in ay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo saacadaha soo socda la filayo in caasimadda Muqdisho lagu dhaariyo.
Prof. Cabdullaahi Xiirey, la guddoomiyaha guddiga farsamada ayaa Bahda saxaafada u sheegay in aysan jirin wax ay celiyeen balse ay jiraan xubno ay gadaal u dhigeen guddiga oo ay waraaqado ka dhimanaayeen, isagoo tilmaamay in iminka ay xubnahaas soo dhammeystireen waxyaabihii laga doonayay.
La guddoomiyaha guddiga farsamada ayaa sheegay in ay gudbiyeen 239 xildhibaan, halka qaarka kalena ay ku howlanyihiin, wuxuu xusay in inta dhimman maanta illaa iyo berri ay dhammeystiri doonaan.
Cabdullaahi Xiirey ayaa sheegay in ay kulan la qaadan doonaa odayaasha dhaqanka, isagoo ka gaabsaday waxyaabaha ay kawada hadli doonaan guddiga xulidda baarlamaanka iyo odayaasha.
Mar wax laga weydiiyay Professor-ka arrin uu ka biyo diidsanaa madaxweynaha oo ku aadaneyd toddobo xildhibaan oo taageerayaashiisa ka mid ah ay kol hore dib u celiyeen markii uu kulan dhexmaray Mahiga iyo Sheekh Shariif wuuna ka gaabsaday arrintaas, isagoo xusay in guddigoodu aan wax siyaasad ah khuseyn.

Comments are closed.