Wafdi Iraq ah oo soo Gaaray Muqdisho Caasimada Soomaaliya .SAWIRO

xeydar January 18, 2013 Comments Off
Wafdi Iraq ah oo soo Gaaray Muqdisho Caasimada Soomaaliya .SAWIRO

Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u dhiska ,Gaadiidka Badda, Dakadaha iyo Tamarta ayaa soo dhaweyn balaaran u samaysay wafdi sare oo ka socday dalka Iraaq oo ahaa heer Xoghaye Jogto iyo Agaasimayaal Guud oo ka kala socday sideed wasaaradod ee dalka Iraaq.

wafdigan Iraaqiyiinta ah waxaa hogaaminayay Xoghayaha Jogtada xafiiska ra’isul wasaaraha Iraq mudane Cabaas Fadil Al- Tamimi.


Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamuud Xersi Cabdulle ayaa wafdigan shir kula qaatey Garoonka diyaarahda Adan Cade International Air Port qolka VIP , shirkaas oo ay Agaasimayaal Guud iyo Agaasime Waaxedyo ku waheliyeen Xoghayaha joogtada ee xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa kala ahaa agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u dhiska ,Gaadiidka Badda, Dakadaha iyo Tamarta, agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Qorsheenta.

 
Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa wafdiga Iraq kusoo dhaweeyey dalka khaasatan waxa uu Xoghayah uu gacmo furan oo walaaltinimo kusoo dhaweeyey dhigiisa oo si hor dhac ah u soo gaaray Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.


Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u dhiska ,Gaadiidka Badda, Dakadaha iyo Tamarta iyo Agaasimka dib u dhiska waxay usoo bandigeen adeegyada Wasaaradda iyo meelaha ay ku yaaliin guud ahaan wadanka oo dhan sidoo kale waxay soo bandhigeen baahiyaha ugu waaweyn ee haysta Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u dhiska ,Gaadiidka Badda, Dakadaha iyo Tamarta.


Xoghayaha Jogtada xafiiska ra’isul wasaaraha Iraq mudane Cabaas Fadil Al- Tamimi ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee ay madaxda Wasaaraddaha Dowlasa Soomaaliya kusoo dhaweeyeen wafdiga Iraq wuxuuna sheegay inuu ka shaqeyn doono inuu labo laabo wada shaqeynta wasaaraddaha Iraq iyo wasaaraddaha Soomaaliya.

 

 

sidoo kale wafdigan Iraq ayaa ah hor dhac u gogol saaraya wasiiro Iraq ah oo dalka Soomaaliya imaan doona, kadib markii uu Wasiirka Howlaha Guud Dr.Muxyadiin Maxamed Kaalmooy uu ka qeyb gelay shirkii 29-aad ee Wasiirada Dib u dhiska dalalka Carabta oo magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ka furmay 18 ilaa 20/12/2012.

 

 

Dowladda Soomaaliya oo dabayaaqadii sanadkii tegey kabaxday KMG nimada ayaa isbedel weyn ka Sameysay diplomaasiyadda iyadoo ay isasoo tarayaan wufuuda imaaneysa dalkeena ee doonaya inay Soomaaliya caawiyaan islamarkaana ay la yeehsaan xiriir dhow.

 


C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.